Saturday, May 26th, 2018
Advertisements
Advertisements

Amniga Magaalada Jowhar oo la xoojiyey & wufuud kala duwan oo maanta ku wajahan

Published on September 15, 2017 by   ·   No Comments

Waxaa si weyn loo xoojiyey amaanka magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe oo la filayo iney maalinta beri ah ka dhacdo doorashada Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

 

Ciidamada AMISOM ayaa la wareegay hoolka ay ka dhaceyso doorashada, kuwaasoo xoojiyey amaanka wadooyinka gala xaruntaas.

 

Boorar lagu xayeysiinayo sideeda musharax ee ku tartamaya doorashadan ayaa magaalada wadooyinkeeda lagu arkayaa, waxaana dadku ay si weyn u hadal hayaan doorashadan iyo cida ku soo bixi doonta.

 

Dhinaca kale, wufuud ka kala socota dowlada Somalia iyo urur goboleedka IGAD ayaa maanta ka ambabaxaya magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Jowhar.

 

Wufuudan ayaa goob joog ka noqon doona doorashada beri halkaas ka dhaceysa, iyagoo maanta gelinta dambe illaa caawana kulamo la qaadan doona Masuuliyiinta Hirshabelle iyo waxgaradka Magaaladaas ku sugan.

 

 

Musharaxiinta ka qeyb galaysa doorashadan ayaa wada ololahoodii ugu dambeeyey, iyagoo kulamo kala duwan la qaadanaya xildhibaanada wax dooranaya.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Shacab Ku Banaabaxay Somaliand Sheegay In Ay Yihiin….

May, 26, 2018
Shacab Ku Banaabaxay Somaliand Sheegay In Ay Yihiin....

Akhriso:-Baarlamaanka Soomaaliya Oo U Yeeray Wasiir Ka Tirsan Xukumadda

May, 26, 2018
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay u yeereen,isla markaana ay dalbadeen in uu hortago Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ...