Wednesday, September 20th, 2017
Advertisements
Advertisements

Bale Iyo Griezmann Oo Ku Midoobi Kara Old Trafford, Liverpool Oo Heshiis Shaqsi Ah La Gaartay Daafac Weyn & Wararkii Kale Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska

Published on September 11, 2017 by   ·   No Comments
daily star

Daafaca dhexe ee Southampton Virgil van Dijk ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Liverpool waxaana laga yaabaa inuu u wareego Anfield marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

MANCHESTER EVENING NEWS

Madaxa maamulka Manchester United Ed Woodward ayaa u isticmaali doona awooda dhaqaale ee kooxda inuu ku soo jiito 28 jirka Real Madrid Gareth Bale iyo 26 jirka Atletico Madrid Antoine Griezmann xagaaga danbe.

daily mail

Tababarihii hore ee xulka qaranka England Roy Hodgson ayaa ku dhow inuu la wareego shaqada kooxda Crystal Palace iyadoo tababare Frank de Boer uu maanta wajahayo in la ceyriyo.

daily mirror

Arsene Wenger ayaa qirtay inuu iska diiday fursad uu shaqada tababare ee Manchester United kaga bedeli lahaa Sir Alex Ferguson sannadii 2002.

Xiddiga weli horumarka sameynaya N’Golo Kante ayaa ah xiddiga ugu fiican Premier League, sidaasi waxaa aaminsan tababaraha Chelsea Antonio Conte.

THE DAILY TELEGRAPH

Crystal Palace ayaa go’aansan doona mustaqbalka tababare Frank de Boer 48 saacadood ee soo socota ka dib markii ay soo gaartay guuldaradii afaraad ee isku xigta.

Xiddiga Newcastle Matt Ritchie ayaa qirtay inuu nasiib ku lahaa inaan casaan la siinin sida Sadio Mane ka dib markii uu cag wajiga ka saaray Alfie Mawson kulankii Swansea.

the sun

Chelsea iyo Liverpool ayaa rag soo daawada u diray da’ yarka Uruguay ee lagu magacaabo Sebastian Caceres, laakiin waxa ay la kulmayaan tartan adag iyadoo Barcelona ay sidoo kale dooneyso daafaca dhexe.

Borussia Dortmund ayaa la wareegtay da’ yarka Manchester City Denzeil Boadu ka dib markii ay sidoo kale xagaagii la wareegeen Jadon Sancho.

Ciyaaryahankii hore ee Bayern Munich Mario Basler ayaa sheegay in laga yaabo in tababare Carlo Ancelotti uu heshiis u saxiixay koox Shiinees ah lagana yaabo inuu baxo bisha Janaayo.

daily express
Chelsea ayaa diyaar u ah inay kula tartanto Barcelona saxiixa xiddiga khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo ee kooxda Bayer Leverkusen 18 sanno jirka Atakan Akkaynak.

Benjamin Mendy ma uusan dooneynin Chelsea waxa uu kaliya rabay Manchester City, waxaa sidaasi sheegay madaxweyne ku xigeenka Monaco Vadim Vasilyev.

Lionel Messi waxaa weli ku harsan dhowr sannadood uu caawiyo Barcelona ka hor inta uusan ka dhaqaaqin sida uu sheegay Luis Suarez.

Bayern Munich ayaa u bandhigtay Arturo Vidal qandaraas cusub oo ay meesha kaga saaraan xiisaha Chelsea iyo AC Milan.

the independent

Nemanja Matic ayaa sheegay inay Manchester United u baahan tahay inay ku badiso garoomada sida kan Stoke haddii ay doonayaan inay hantaan koobka horyaalka Premier League.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka Fiidnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada Baladweyne

September, 19, 2017
Dhageysatayaasha sharafta leh ee Radio Hiranweyn ee Magaalada B/weyne Ee ku xiran Webkeena Www.hiiraanweyn.net ama hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna ...

Dowlada Soomaaliya Oo ku dhawaqday dhisida Ciidamo Qaran Oo Boolis ah

September, 19, 2017
Shir loogaga hadlayo sidii loo dhisi lahaa ciidamo Boolis ah oo tiradoodu gaareyso 32,000 oo isku dhaf ah ...

Ra’islawasaaraha Itoobiya oo Oromada iyo Somalida wadahadal uga furay Adis ababa.

September, 19, 2017
Ra’islawasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn  ayaa kulan wadahadal ah u qabtay madaxda Maamullada Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya. Kulanka ...

Maxkamad Ku Taalo Gaalkacayo Oo La Geeyey nin lagu eedeeyay inuu nabi Muxamad (NNKH} u Gefay

September, 19, 2017
Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn loo hadal haayay nin la sheegay in uu meel dhigay sawir ...

DAAWO: Madaxweyne Cali Cabdulahi Cosoble Oo War Kasoo Saaray Doorashadii Hirshabeelle

September, 19, 2017
Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo Magaalada Nairobi wareysi ku siiyay Tv-Universal ayaa ka hadlay ...

{DAAWO SAWIRRADA} Diyaarad qaad siday oo maalintii Labaad ka Degtay Buuhoodle

September, 19, 2017
Magaalada Buuhoodle ayaa Maalintii Labaad, waxaa ka degtay diyaarad qaad ka keentay dalka Kenya ka dib markii uu ...

Mareykanka oo ka Hadlay dagaalka Soomaalida iyo Oromada

September, 19, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa u sheegtay Itoobiya in ay baarto 55 qof oo la sheegay in ay ku dhinteen ...