Saturday, September 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Banaanbax Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Published on September 13, 2017 by   ·   No Comments

Banaanbaxaan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen Dad Taageersan Xukumadda islamarkaana ka soo horjeeda in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay Fara geliyaan Go’aankii ay Xukumadda Soomaaliya ay ugu Wareejisay Dowladda Itoobiya Sargaal Sare oo ka tirsan Jamhadda ONLF oo la yiraado C/kariin Sheekh Qalbi-dhagax ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Iridka hore Ee Xarunta Golaha Shacabka.

Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa loo diiday in ay ku Hor Banaanbaxaan Xarunta Golaha Shacabka oo uu ka socdo Kulan Xildhibaanadu ay uga doodayaan Go’aankii ay Xukumaddu gaartay,waxaana Dadkii Isku soo baxa dhigayay kala Eryay Ciidamada Booliska ee Sugaya Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka.

Qaar kamida Dadka Banaanbaxa dhigayay oo la hadlay warbahinta  ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan in Xukumadda Soomaaliya Mooshin laga keeno islamarkaana  la rido Xukumadda Shaqeyneysa sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta leh kulan ay uga Doodayaan Go’aankii Xukumadda Soomaaliya ay Dalka Itoobiya ugu Wareejisay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA}Madaxweyne Waare Oo Beledweyne Kulan Kula Qaatay Saraakiil Ka Tirsan UN-ka

September, 22, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Saraakiisha UN-ka ee ...

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Guddoomiye Ku Xigeenki Beledweyne Bashiir Dhoore

September, 22, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida xalay ku timid Bashiir Xusseen Dhoore ...

{DHAGEEYSO} Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka Hadlay Xiisada Udhaxeeyso Wadamada Carabta Iyo Gu’aanka Hirshabeelle

September, 22, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi waare ayaa Ka hadlay Xiisada udhaxeeyso Xulufada Sucuudiga oo Hogaaminayo iyo Dowlada Qatar ...

Madaxweyne Xaaf “Uma dulqaadan doono faragelinta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha”

September, 22, 2017
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa mar kale ku celiyay mowqifkiisa ku aadan go’aanka ay ka qaateen khilaafka Khaliijka ee ...

Duufaanta Maria oo shan iyo toban qof ku dishay jasiiradaha Caribbean-ka

September, 22, 2017
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay labaatan qof oo kalena waa la la'yahay jasiiradaha Dominica ka dib ...

Doorashada Kenya oo dib loo dhigay Kadib Markii la sheegey in ay Jirto….

September, 22, 2017
Waxaa dib loo dhigay doorashada dalka Kenya oo hadda la qaban doono 26-ka bisha soo socota ee Octobar.Waxayna ...

{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha

September, 22, 2017
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha ...