Monday, November 20th, 2017
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Faah Faahin Ka sobaxeyso Qarax xoogan oo Goor Dhaw Ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama.

Published on September 11, 2017 by   ·   No Comments

Qarax xoogan ayaa goordhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho , Waxaana jugta qaraxa laga maqlay degmooyin badan oo kamid ah Gobolka Banaadir.

 

 

 

 

Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa la sheegay inuu ku qarxay ka soo horjeedka Hotelka wehliye qeybta xigta degmada Waaberi.

 

 

 

 

 

Dhawaqa Gawaarida Ambullanceka ayaa aad loo maqlayaa kuwaas oo ku sii qulqulaya halka qaraxa uu ka dhacay waxeyna soo daabulayaan dadka dhaawacyada ay ka soo gaartay Qaraxa ka dhacay Degmada Waaberi.

 

 

 

 

Ciidamada Dowladda ayaa gabi ahaanba xiray qeybo kamid ah Wadada maka Al-Mukarama gaar ahaan inta udhaxeyso Isgoysyada Dabka iyo Seydka.

Qof Goob Joog ah ayaa sheegaya iney arkayeen dhaawacyada dad ubadnaa kuwo wadada isticmaalayay oo burbur ka soo gaaray Qaraxa, Waxaa kaloo jiray dhismayaal uu saameeyay Qaraxa jugtiisa.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Imaaraadka Carabta

November, 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga ...

{DAAWO SAWIRADA} Wasaaradda Dastuurka oo kulan la yeelatay Odayaasha Dhaqanka

November, 19, 2017
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta kulan wadatashi ...