Saturday, November 18th, 2017
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Kulanka Wadatashiga Maamul Daadijinta Hirshabeelle oo Jowhar ka furmay

Published on September 11, 2017 by   ·   No Comments

Madax weyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa maanta magaalada  Jowhar  kaga qeyb Galay  Kulanka Wadatashiga Maamul Daadijinta Hirshabelle iyadoo  ay ka qeyb galayaan gudoomiyaasha dagmooyinka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe .

Kulankan oo socon doono muddo labo maalmood ah ayaa waxaa mudada uu socdo loogaga hadli doonaa sidii maamulada degmooyinka loo ballaarin lahaa bulshadana ay ugaga wada qeybgeli lahaayeen.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ka hadlay furitaanka kulankan ayaa ku soo dhoweeyay dhammaan guddoomiyayaasha degmooyinka labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay in guud ahaan maamulada degmooyinka labada gobol ay kulankan oo kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ay isku bartaan fikradana isku dhaafsadaan.

Sidoo kale kulankan ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle hadal gaaban oo ka jeediyay wasiirka ayaa waxa uu sheegay in kulankan wadatashiga ah uu muhiim u yahay in ay maamulada degmooyinka ay ka doodaan sidii hoos loogu daadejin lahaa maamulka illaa heer tuulo oo ay dadka oo dhan ugaga qeyb qaadan lahaayeen.

Ugu dambeyntii kulankan ayaa waxaa ka hadlay  Madax weyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen waxana uu sheegay in uu soo dhoweynayo in kulankan wadatashiga ah oo ay guud ahaan mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmaba.

“Waa xaqiiq in dalka uu yahay dal Federal ah ayna mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ay kulankan ka qeybgalayaan waxaana aan filayaa in kulankan uu ka soo bixi karo natiijooyin wax ku ool ah.”ayuu yiri Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen

Kulankan wadatashiga ah ayaa ah kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah oo lagu qabto xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

WAR DEG DEG AH-:Xildhibaanada Golaha Shacabka oo isku raacay in Sharci Darro tahay dhiibistii Qalbi dhagax.

November, 18, 2017
Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo xiligaan ka socda Xarunta Golaha Shacabka ayaa warbixin ka dhageestay guddigii loo ...

{Akhriso} Qodobada Ay Isku Afgarteen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hogaanka Xisbiga WADDANI.

November, 18, 2017
Kulankii ay manta  yeesheen komishanka Doorashooyinka qaranka iyo hogaanka xisbiga WADDANI ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa. ...