Tuesday, January 16th, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Musharax Laqanyo oo Safar hal maalin ah ka dib Magaalada Jowhar ku laabtay

Published on September 12, 2017 by   ·   No Comments

Musharraxa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cabdi Faarax Sharawe [Laqanyo] ayaa maanta, oo Talaado ah, dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay gagida diyaaradaha magaalo madaxda Hirshabeelle ee Jowhar.

 

 

 

Musharraxa ayaa salaan qaaday dadkii isugu soo baxay soo dhaweyntiisa oo ka kala yimid dhammaan afarta xaafadood ee ay ka koobantahay magaalada Jowhar.

 

 

 

 

Mudane Laqanyo ayaa maalintii dorraad aheyd ugu kicitimay magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho howlo shaqo sida uu ku sheegay bartiisa facebook-ga wax yar ka hor inta uusan ka dhoofin garoonka Diyaradaha Magalada Jowhar.

 

 

 

Warar ay heshay Warbaahinta Hiranweyn  aya tibaaxaya in Mudane Laqanyo la yeeshay kulmo gaar ah madaxda sar sare ee Dowladda Federaalka ah halkaa oo ay isla soo qaaden arrimaha diyaar garowga doorashooyinka iyo arrimo la xariiro siyaasadda Hirshabeelle iyo midda guud ee Soomaaliya.

 

 

 

 

“…waxan kalsooni buuxdo ku qabaa in doorashadu ku dhici doonto si nabad ah. Kalsooni mug leh ayan ku qabaa xubnaha sharci dejinta Hirshabeelle in ay dooran doonan hoggaan tijaabsan karti iyo waayo-aragnimana u leh siyaasadda Hirshabeelle iyo qabaa’ilkeeda sugina kara amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle” ayuu yiri Mudane Laqanyo asaga oo kula hadlayay war-fidiyeennada gudaha garoonka Jowhar.

 

 

 

Doorashada Madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto 16ka bishan September oo ku beegan maalinta Sabtida ah kadib markii ay 4 maalmood ku dareen guddiga baarlamaanka ee doorashada madaxweynaha Hirshabeelle oo markii hore qorshuhu ahaa in ay dhacdo 12ka September .

 

 

 

 

Waxayna doorashadan imanaysaa kadib markii horaantii bishii la soo dhaafay ay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweynihii hore Cali Cabdulaahi Cosoble.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Madaxweynaha Soomaliya Oo Goordhow Gaaray Dhuusa Mareeb

January, 16, 2018
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunat Gobolka Galgaduud,halkaasi oo ...

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Si Maqaamkeedu Sarreyo Loogu so dhaweyay Magaalada Dhuusa-mareeb

January, 16, 2018
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.     Garoonka ...