Sunday, February 18th, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Shabaab oo soo bandhigay rag Ajaanib ah

Published on September 19, 2017 by   ·   No Comments

Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Muuqaal Video ah oo ay ka duubeen Saddex nin oo u dhashay dalka Kenya, kuwaasi oo Shabaabka ay ku eedeeyeen inay yihiin jawaasiis.

Saddexdan nin ayaa waxa ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, balse waxaa lagu eedeeyay inay yihiin jawaasiis u shaqeysa Dowladda Kenya iyo Dowladaha kale ee Reer Galbeedka.

Nimanka Shabaabka ay soo bandhigeen ayaa waxaa lagu kala magacaabaa C/laahi Talaal Muuse oo 28 jir ah, Cabdi Casiis Mukayo Omambia iyo Hashim Cusmaan Shelali,

Al-Shabaab ayaa sheegay Saddexda nin oo ka tirsan Ajaanibta la joogta Ururka in lagu helay dhamaan dambiyadaasi, haddana ay gacanta ku hayaan iyaga, balse waxaanan laogeyn sida Shabaabka ay yeeli doonaan.

Ururka Al-shabaab ayaa horay waxa ay u dileen rag badan oo Ajaanib ah oo ay ku eedeeyeen inay yihiin jaajuusiin reer Galbeedka la shaqeeya.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Daawo Yaa Ka Danbeeyay In Laxiro Suuqa Bakaaraha

February, 18, 2018
Yaa Ka Danbeeyay In Laxiro Suuqa Bakaaraha

{DAAWO SAWIRADA} Booliska Muqdisho oo qabtay Rag ka ganacsanayay maandooriye

February, 18, 2018
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen Xaafadda Gubadley ee degmada Kaaraan waxa ay kusoo qabteen rag ...