Tuesday, December 12th, 2017
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA}Madaxweyne Waare Oo Beledweyne Kulan Kula Qaatay Saraakiil Ka Tirsan UN-ka

Published on September 22, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed
Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay
Saraakiisha UN-ka ee Xafiiska Magaalada Beledweyne, Waxaana kala
hadlay xoojinta wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle iyo
sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta iyo dib u dhisa
Hirshabelle.

Ugu Horeyn Saraakiisha Ay Wada Kulmeen Madaxweynaha ayaa ugu
hambalyeeyay Mas’uuliyada Culus ee 16-kii bishaan loo doortay, waxaana
ay muujiyeen sida diyaarka ay ugu yihiin la shaqeynta Dowlad
Goboleedka Hirshabelle iyo Madaxweynaha Cusub.

Saraakiisha ugu sareysa Xafiiska UN-ka ay ku leeyihiin Magaalada
Beledweyne ayaa waxa ay faah faahin ka siiyeen Madaxweynaha howlaha ay
ka qabteen Hirshabelle, iyo waxyaabaha horyaala in ay wax ka qabtaan
oo ay ka mid yihiin horumarinta Kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska
Deegaanada Hirshabelle, iyo arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa
ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta
Xiriirka kala dhexeeya Hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka
dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka
islamarkaana looga jawaabi lahaa baahiyaha deg dega ee soo food saara
Bulshada Hirshabelle.

Madaxweyne Waare  oo sii hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay
tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan
taasina looga baahanyahay in UN-ka uu ka shaqeeyo fulinta Mashaariicyo
horumarineed oo ay soo gudbin doonto Dowladda Hirshabelle, waxaana ay
balanqaadeen Saraakiishaasi fulinta Waxyaabaha uu ka hadlay
Madaxweynaha.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday Jawi wanaagsan oo la isku fahmay
waxyaabihii lagu balamayna sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo, sidoo
kale waxa  ay isla garteen in la joogteeyo kulamada noocaani oo kale
ah oo la isku xog wareysanayo.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Full: Ciyaartii Galmudug & Banaadir Oo Xiiso Badneyd Daawo 2017

December, 11, 2017
Full: Ciyaartii Galmudug & Banaadir Oo Xiiso Badneyd Daawo 2017

Hay’adda la dagaalanka Musuqmaasuqa ee AAC oo sheegtay in musuqmaasuq baahsani ka jiro Somaliland

December, 11, 2017
Hay’adda madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa (Action for anti corruption (AAC) ) ayaa sheegtay in Somaliland ay ...