Saturday, January 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Dooda Musharaxiinta M/weynaha Hirshabeelle oo maanta bilaabaneysa

Published on September 11, 2017 by   ·   No Comments

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka jira mashquul aad u fara badan, maadaama todobaadka soo aadan bilowgiisa ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Dooda Musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maanta ka bilaabaneysa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay C/laahi Maxamed Cadow oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashada.

Wuxuu sheegay C/laahi Maxamed Cadow Musharax walba in la siin doono waqti ku filan oo shacabka halkaasi ku sugan ay ugu soo bandhigayaan waxyaabaha ay qabanayaan.

Jowhar ayaa hada waxaa ku sii qul qulaya masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo doonaya in ay goobjoog u noqdaan Doorashada.

16-ka bishan ayaa la filayaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle, oo ay u taagan yihiin ilaa Sideed musharax.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Qaabka uu u dhacay Shilka Diyaaradeed Ee Ka Dhacay Garoonka Aadan-Cadde Ee M/Muqdisho

January, 20, 2018
Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ee Sabtida Maanta ah waxaa ka dhacay Shil Diyaaradeed ...

Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Aadan Cadde

January, 20, 2018
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, goor dhaw waxaa Garoonka ...