Thursday, October 19th, 2017
Advertisements
Advertisements

Duufaanta Maria oo shan iyo toban qof ku dishay jasiiradaha Caribbean-ka

Published on September 22, 2017 by   ·   No Comments

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay labaatan qof oo kalena waa la la’yahay jasiiradaha Dominica ka dib markii ay ku dhufatay duufaanta Maria. Waxaana warkani sheegay ra’iisul wasaaraha jasiiradaha Caribbean-ka.

‘Waxay ahayd arrin mucjiso ah in dhimashadu aysan boqolaal gaarin’ ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooseevelt Skerrit.

Duufaanta Maria ayaa garaacday deegaanada Dominica maalinimadii Isniinta waxay burburisay boqolaal guri.

Waxay sidoo kale cagta marisay duufaantani Puerto Rico. taasoo sababtay in jasiiradaasi ay koronto la’aanta noqoto.

Waxaa burburay guryo badan iyo iskuulaad, sidoo kale waxaa go’ay isgaarsiinta. korontaduna waxay ka maqan tahay isbitaalo badan oo jasiiradahaasi ku yaalla.

Saraakiisha maamulka Puerto Rico ayaa dadka deegaanadaasi u sheegay inay u guuraan dhulka sare ee ka baxsan meelaha ay daadadku ka dhaceen.

Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa inay roobab badan da’aan duufaanta ka dib.

Barasaabka Jasiirada ayaa masiibadan ku tilmaamay ‘ Duufaantii ugu darnayd qarnigan ‘

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Dhageyso:-Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Dalka Ka Jira

October, 19, 2017
Cabdi Xaashi Cabillaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa marka hore ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dowlad ...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Dhaawacyada Sudan ku dayacan

October, 19, 2017
 Yuusuf Garad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda laga soo sheegay Soomaalida dhaawaca ah ee ...

{DAAWO SAWIRADA } Wararkii ugu dambeeyay xaalada dhaawacyadii la geeyay Sudan

October, 19, 2017
Wararka ka imanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in dhaawacyadii la geeyay dalka Sudan oo cabasho ka keenaya  isbitaalada ...

{DAAWO SAWIRADA} Dayactir Lagu Bilaabay Goobtii Uu Qaraxa Ka Dhacay Ee Zoobe

October, 19, 2017
Waxaa Maanta la bilaabay dib-dhis lagu sameynayo Wadada Isgoyska zoobe taas oo ku burburtay qarixii khasaaraha badan gestay ...

{DHAGEEYSO} Dowladda Soomaaliya Oo Jawaab Ka Bixineysa Qarixii Ka Dhacay Isgoyska Zoobe

October, 19, 2017
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxwenaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhacdadii ka dhacday 14 Bishaan Zoobe ay tahay ...

Baroordiiq Qahira Loogu Sameeyay Dhibbanayaashi Qaraxii Zoobe

October, 19, 2017
Kulan baroorqiid ah oo ay Soomaalida ku nool Masar ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarki 14-ki October ...

Mid Ka Mid Ah Dhaawacyadii Loo Qaaday Dalka Suudaan Oo Geeriyooday

October, 19, 2017
Dhaawacyadii ku jiray Isbitaalka Tamayuz ee dalka Suudan qaarkood ayaa haatan la bilaabay in loo wareejiyo Isbitaalo kale ...