Sunday, November 19th, 2017
Advertisements
Advertisements

Golaha Ammaanka QM oo cambaareeyay tijaabadii Kuuriyada Waqooyi

Published on September 16, 2017 by   ·   No Comments

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si xooggan ugu cambaareeyay Kuuriyada Waqooyi inay sameysay wax uu goluhu ugu yeeray tijaabo gantaal oo daan-daansi ah.

Kaddib kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen Goluhu ayaa Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka waxa ay ku mideeyeen mowqifkooda ku aaddan saaruukha ay Kuuriyada Waqooyi dulmarisay jasiiradda Hokkaido ee dalka Japan.

Balse bayaanka Golaha Ammaanka laguma soo hadal qaadin cunaqabateyn dheeraad ah oo lagu soo rogo Kuuriyada Waqooyi.

Madaxa haatan ee Golaha Ammaanka, safiirka u fadhiya Ethiopia Qaramada MidoobayTekeda Alemu, ayaa aqriyay bayaanka sida wadajirka ah ay Goluhu usoo saareen.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu ku adkeeyay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah golaha inay si buuxda oo degdeg ah u dhaqan galiyaan dhamaan qaraarada golaha.

Sidoo kalena Golaha Ammaanku waxa uu xoojiyay in ay muhiim tahay in Kuuriyada Waqooyi ay si degdeg ah oo daacad ah u fuliso tallaabada ah in ay hubkeeda nuyuuklerka ka tanaasusho iyada oo qaadeyso tallaabooyin muuqda sidoo kalena ka shaqeynta yareynta xiisada ka taagan gacanka jasiirada Korea.

Safriika Ruushka ee Qarmaada Midoobay, Vasilly Nebenzia, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in diblomaasiyadu tahay wadada kaliya ee lagu xalin karo xiisada Kuuriyada Waqooyi.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Mareykanka oo Diyaarado Lagula dagaalamo Shabaab ku wareejiyay Uganda…

November, 19, 2017
Waaxda Gaashaandhigga ee dalka Maraykanka “THE PENTAGON” ayaa ku dhawaaqday inay Ciiddanka Uganda ka jooga Somalia ku taageeri ...

{Akhriso} Maamulka Puntland Iyo Dowladda Shiinaha Oo Heshiis Cusub Kala Saxiixday

November, 19, 2017
Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ...