Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

Haweeney Muslim ah oo madaxweyne ka noqotay Singapore

Published on September 12, 2017 by   ·   No Comments

Dalka Singapore ayaa yeeshay Haweeneydii ugu horreysay oo Madaxweyne ka noqota taariikhda dalkaas,waxaana ay waliba tahay Muslimad.

Xaliima Yacquub oo 63 jir ah ayaa horay u ahayd Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Singapore,waxaana ay isu sharraxday xilka Madaxweynaha Bishii la soo dhaafay.

Guddiga doorashada Madaxtinimada Dalka Singapore ayaa sheegay in dhamaan musharrixiintii xilkan isu diiwaan geliyay ay ku fashilmeen in ay u soo gudbaan ka qeybgalka doorashada.

Xaliima ayey sheegeen in ay tahay Qofka kaliya ee ka soo baxay shuruudaha doorashada Madaxtinimada Dalka Singapore iyada oo aysan doorasho dhicinna noqoneyso Madaxweynaha Dalkaas.

Madaxweynaha Xilka kaga horreeyay ayuu waqtiga ka dhacay 31dii August,waxaana sida dastuurka qabo xilkaas sii wadayay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo iyada ahayd,sidoo kalena ahayd musharrax xilka isu soo taagtay.

Xaliima oo 2013 -2017 ahayd Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Singapore ayaa noqoneysa Haweeneydii ugu horreysay ee Muslim ah oo Madaxweyne ka noqota Dalkaas.

Muslimiinta Singapore ayaa 14% ka ah tirada dadka dalkaas oo kuwa ugu badanna ay yihiin Budiistaha, Kiristaanka iyo Hinduuga.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Maxaa ka jiro in12 kamid ah ay Yihiin Xildhibaano 13; ka Wasiir Ee Xalay Uu Magacaabay Kheyre,

May, 24, 2018
Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay 1;3 Wasiir kuwaas oo isugu jira Wasiirro,wasiir ku xigeenno iyo ...

Madaxweynaha Soomaaliland Oo Ka Dhoofay Hargeysa Xilli Dagaal Uu Ka Socdo Tukaraq

May, 24, 2018
Madaxweynaha Maamulka Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhow waxa uu ka duulay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magalada Hargeysa.   Muuse ...