Tuesday, January 16th, 2018
Advertisements
Advertisements

Howlgallo oo maanta ka socda Magaalladda Galkacyo kaddib nabadoon xalay lagu dilay Magaalladda

Published on September 12, 2017 by   ·   No Comments

Xaafadda Garsoor ee hoos-timaada Magaalladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Muduga, waxaa xalay lagu dilay nabadoon caan ka ahaa halkaasi, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dilka nabadoonka waxaa uu ka dhacay agagaarka Hotel Kulmiye oo ku yaalla nawaaxiga Dugsiga Hoose Dhexe ee Ummadda Magaalladda Gaalkacyo.

“Kooxdii dilka geysatay waxaa ay ku hubeysnaayeen bistoolado, dilka kaddib waxaa ay ka baxsadeen goobta, intaasi kaddib ciidanka ammaanka ayaa yimid, waxaana ay sameeyeen howlgallo”, mid mid ah dadka deegaanka ayaa sidaasi Hiiraan Online u sheegay.

Mas’uuliyiinta laammaha ammaanka ee Galkacyo, ayaa lagu wadaa in dhawaan ay faah-faahin ka bixyaan dilka iyo sidii uu u dhacay.

Dhinaca kale maanta howlgallo xooggan ayaa waxaa uu ka socdaa Magaalladda Galkacyo, kaas oo lagu adkeynayo ammaanka, sida saraakiisha ciidamada ay sheegeen.

Ma jirto cid sheegtay mas’uuliyada dilka nabadoonka, balse dhawaanadii lasoo dhaafay ayaa waxaa dalka Soomaaliya kusoo badanayay dilalka loo geysanayo nabadoonada.

1-dii bishii july ee sanadkan waxaa xaafadda Garsoor ee Galbeedka Gaalkacyo, lagu dilay askari ka tirsan ciidanka Puntland, waxaana lagu dhaawacy qof shacab ah oo la fadhiyey askariga la diley.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Si Maqaamkeedu Sarreyo Loogu so dhaweyay Magaalada Dhuusa-mareeb

January, 16, 2018
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.     Garoonka ...

Aragtida madaxweynaha Zimbabwe oo lacag noqotay!

January, 16, 2018
Ma doonaysaa in aad la kullantid madaxweynaha cusub ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa?, haddii ay jawaabtaadu 'haa' tahay, waa ...