Saturday, November 18th, 2017
Advertisements
Advertisements

Khilaaf soo kala dhex galay Madaxda Somaliland iyo Sharikadda DPWorld

Published on September 12, 2017 by   ·   No Comments

Maamulka Somaliland ayaa diiday amarro ay soo rogtay Sharikadda DPWorld ee maamusha dekadda Magaalada Berbera.

Sharikadda DPWorld ayaa amartay in dadka tagaya Dekadda Berbera ay xirtaan Kabaha waaweyn ee Miltariga,Koofiyad Bir ah oo midda shaqada adag lagu qabto ah iyo Jaakad calaamad u noqoneysa shaqaalaha Dekadda Berbera.

Saddexda amar ayey ka biya diideen Ganacsatada Berbera wax kala soo dega in ay fuliyaan,waxaana ay ku dacweeyeen Maamulka Somaliland oo isna ku raacay dacwaddii Ganacsatada Berbera.

Ganacsatada ayaa ku  doodaya in aysan iyagu u shaqeyn Sharikadda DPWorld ee ay beddelkeeda yihiin Ganacsato Canshuur bixiyayaal ah.

Wararka laga helayo Wasiirrada kala ah;  Wasiirka wasaaarada Hawlaha Guud Cali Mareexaan, Wasiirka Amniga Maxamed Muuse Diiriye iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Axmed Xashi Waxaay Sheegaysaa In ay Kulamo Gaar Gaar Ah La Qaateen Gancsatadii iyo Bulshadii Ku Xirnayd Dekadda iyo Masuuliyiinta Shirkada DP World Ee Gacanta Ku Haysa MamulkaDekada Berbera,

Wasiiradan Xukuumada Ka Socday iyo Gudoomiyaha Gobolka Oo Wehelnaayay Ayaa Ilo Xog Ogaal ah Sheegayan In Aay Madaxda Shirkadan Ee fadhigoodu Yahay Berbera Aay Gacanta Ka Galiyeen Bushqad Xiran Oo Madaxwayne Axmed Siilaanyo Usoo Qoray.

Masuuliyiinta Shirkadan Ee Mamusha Dekada Berbera, Taas Oo Nuxurkeedu Ahaa Arrimaha Dhextaagan Ganacstada iyo Shirkadan Carbeed,

Waxaana Wararku Intaa Ku Darayaan In Masuuliyiiinta Dp World Berbera ay Ka Cudur Daarteen In anay Fulin Karin Waxa Ku Qoran Warqadan Laakiin ay Udiri Doonaan Xafiiskooda Dubai Oo ay Amarada Ka Qaataan, Sidaa Daraadeed La Sugo Jawaabta Kasoo Noqota Xafiiska Dubai Ee Shirkadan Dubai Port Aay Ku Leedahay DUBAI,

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

WAR DEG DEG AH-:Xildhibaanada Golaha Shacabka oo isku raacay in Sharci Darro tahay dhiibistii Qalbi dhagax.

November, 18, 2017
Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo xiligaan ka socda Xarunta Golaha Shacabka ayaa warbixin ka dhageestay guddigii loo ...

{Akhriso} Qodobada Ay Isku Afgarteen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hogaanka Xisbiga WADDANI.

November, 18, 2017
Kulankii ay manta  yeesheen komishanka Doorashooyinka qaranka iyo hogaanka xisbiga WADDANI ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa. ...