Tuesday, January 16th, 2018
Advertisements
Advertisements

Kuuriyada Waqooyi oo gantaal kale dul marisay Japan

Published on September 15, 2017 by   ·   No Comments

Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal dul marisay Japan, waana daandaansigii labaad ee noociisa ah ee dhaca todobadyo gudahood.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in gantaalkani uu sare u kacay masaafo gaaraysa 770km uuna jaray 3,700km ka hor intii uusan ku dhicin badda Hokkaido.

Rai’iisulwasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in dalkiisuu uusan “marnaba” u dulqaadan doonin ficillada halista ah ee Kuuriyada Waqooyi.

“Haddii Kuuriyada Waqooyi ay sii wado in ay ku sii socoto jidkaaas, mustaqbalku ma iftiimahayo,” ayuu ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sidoo kale cambaareeyay gantaalka ay ridday dawladda Kuuriyada Waqooyi.

Jawaabtiisa wuxuu culayska ku saaray Shiinaha iyo Ruushka oo ah dalal ay xiriir dhaqaale lee yihiin Kuuriyada Waqooyi oo Nukliyeer haysata.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Si Maqaamkeedu Sarreyo Loogu so dhaweyay Magaalada Dhuusa-mareeb

January, 16, 2018
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.     Garoonka ...

Aragtida madaxweynaha Zimbabwe oo lacag noqotay!

January, 16, 2018
Ma doonaysaa in aad la kullantid madaxweynaha cusub ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa?, haddii ay jawaabtaadu 'haa' tahay, waa ...