Saturday, May 26th, 2018
Advertisements
Advertisements

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabelle

Published on September 17, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Awaare oo shalay xilkan loo doortay, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu bogaadiyay hannaankii ay u qabsoontay doorashadii Hirshabelle, isagoo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka.

Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay dhammaan bulshada Hirshabelle in ay ka wada shaqeeyaan taaba galinta iyo hanaqaadka Maamulkooda, si lo xaqiijiyo horumarka iyo nabadgalyada deegaanka.

“Waxaan Alle uga baryayaa, hoggaanka cusub ee Hirshabelle, in uu u fududeeyo howlaha adag ee horyaalla, oo ay ka mid tahay dardargalinta dib-u-heshiisiinta, xaqiijinta amniga iyo dhamaystirka dhismaha maamulka”ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhamaystirka nidaamka faderaal, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada dalka.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Shacab Ku Banaabaxay Somaliand Sheegay In Ay Yihiin….

May, 26, 2018
Shacab Ku Banaabaxay Somaliand Sheegay In Ay Yihiin....

Akhriso:-Baarlamaanka Soomaaliya Oo U Yeeray Wasiir Ka Tirsan Xukumadda

May, 26, 2018
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay u yeereen,isla markaana ay dalbadeen in uu hortago Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ...