Thursday, October 19th, 2017
Advertisements
Advertisements

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Guddoomiye Ku Xigeenki Beledweyne Bashiir Dhoore

Published on September 22, 2017 by   ·   No Comments
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida xalay ku timid Bashiir Xusseen Dhoore oo horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaaliyada degmada Beledweyne, kana mid ahaa Aqoonyahannada gobolka Hiiraan oo xalay ugu geeriyooday magaalada Beledweyne xanuun deg deg ah oo la soo darsay.
“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle, iyo gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka tagay marxuum Bashiir Xuseen Dhoore , waxa uu ahaa shaqsi u huray  naftiisa u adeegida Qaranka, waxaana lagu xusuustaa doorkii Shariifka ahaa ee ka shaqeynta arrimaha Bulshada” Ayuu Yiri Madaxweyne Waare.
Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa yiri. “Waxaan Eebe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisana Samir  iyo imaan uu ka siiyo.
Allaha u naxariistee Bashiir Xuseen Dhoore ayaa ahaa Aqoonyahan wax  badan ka shaqeeyay Horumarinta arrimaha Bulshada iyo isku xirka ururada Bulshada Rayidka ah.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Dhageyso:-Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Dalka Ka Jira

October, 19, 2017
Cabdi Xaashi Cabillaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa marka hore ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dowlad ...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Dhaawacyada Sudan ku dayacan

October, 19, 2017
 Yuusuf Garad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda laga soo sheegay Soomaalida dhaawaca ah ee ...

{DAAWO SAWIRADA } Wararkii ugu dambeeyay xaalada dhaawacyadii la geeyay Sudan

October, 19, 2017
Wararka ka imanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in dhaawacyadii la geeyay dalka Sudan oo cabasho ka keenaya  isbitaalada ...

{DAAWO SAWIRADA} Dayactir Lagu Bilaabay Goobtii Uu Qaraxa Ka Dhacay Ee Zoobe

October, 19, 2017
Waxaa Maanta la bilaabay dib-dhis lagu sameynayo Wadada Isgoyska zoobe taas oo ku burburtay qarixii khasaaraha badan gestay ...

{DHAGEEYSO} Dowladda Soomaaliya Oo Jawaab Ka Bixineysa Qarixii Ka Dhacay Isgoyska Zoobe

October, 19, 2017
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxwenaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhacdadii ka dhacday 14 Bishaan Zoobe ay tahay ...

Baroordiiq Qahira Loogu Sameeyay Dhibbanayaashi Qaraxii Zoobe

October, 19, 2017
Kulan baroorqiid ah oo ay Soomaalida ku nool Masar ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarki 14-ki October ...

Mid Ka Mid Ah Dhaawacyadii Loo Qaaday Dalka Suudaan Oo Geeriyooday

October, 19, 2017
Dhaawacyadii ku jiray Isbitaalka Tamayuz ee dalka Suudan qaarkood ayaa haatan la bilaabay in loo wareejiyo Isbitaalo kale ...