Thursday, October 19th, 2017
Advertisements
Advertisements

Madaxweyne Xaaf “Uma dulqaadan doono faragelinta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha”

Published on September 22, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa mar kale ku celiyay mowqifkiisa ku aadan go’aanka ay ka qaateen khilaafka Khaliijka ee garab-istaaga ay ugu muujiyeen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee ka hor-jeeda Dalka Qatar

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa lagu eedeeyay Madaxtooyada Soomaaliya inay fara gelin ku heyso maamulkooda, waxaana gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyeen in fara gelin xambaarsan dhiilo qabiil ay ku hayaan.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii maanta shir jaraa’id oo magaalada Cadaado ku qabteen Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka ay ka soo horjeesteengo’aankii Madaxweyne Xaaf kula saftay isbaheysiga Sacuudiga, waxayna taageereen mowqifka dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Khaliijka

War saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Warfaafinta, ayaa u qornaa sidan:-

Dawlad Goboleedka Galmudug waxay mar kale ku celinaysa mowqifkeeda ku aadan go’aanka ay ka qaadatay khilaafka dawladaha Khaliijka u dhaxeeya.

Dastuurka ku meelgaarka ah qodobkiisa 53 aad wuxuu dhigayaa in
1. Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.
2. Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawlad- goboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.
3. Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeedana ka muuqtaa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

Dawlada Federaalka ah kuma salayn go’aanka ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka xiriirka soo jireenka ah iyo danta joogtada ah ee kala dhaxaysa Dawladaha Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn. Taa bedelkeeda waxay ka doorbiday in ay taageerto Dawlada Qatar oo taageerta kooxaha aragagexisada ah, iyadoo loogu aabul naqayo qarashkii ay ku bixisay doorashada Madaxweyne Farmaajo ee uu garwadeenka ka ahaa Agaasimaha Xafiiska Madaxweynaha Mudane Fahad Yaasiin. Waxaana go’aanka u qaadanay in aan ilaalino xiriika Istiraatiiji iyo kan diblomaasiyadeed, danaha Ganacsi iyo kan Diineed ee Soomaaliya kala dhexeeya dawladaha afarta ah.

Waxaan uga digaynaa Dawlada Federaalka faragelinta qaawan ee ay ku hayaan maamulka Galmudug. Waxaa wax laga xumaada ah in ay Galmudugu la soo dhexgalaan kala qoqobid iyo caadifad qabiil. Galmudug uma dulqaadan doonto faragelinta iyo dhiilada qabiil ee ay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhu horay ugula kaceen Hirshabelle.

Waxaan ugu baaqaynaa Siyaasiyiinta, Odyaasha, Waxgaradka, Aqoon yahanka, Ganacsatada, iyo Culimada kasoo jeeda Galmudug in ay meel uga soo wada jeestaan si wadajir ahna uga hortagaan daandaansiga iyo dhiilada lagu hayo Shacabka Iyo Dawlad Goboleedka Galmudug.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Dhageyso:-Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Dalka Ka Jira

October, 19, 2017
Cabdi Xaashi Cabillaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa marka hore ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dowlad ...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Dhaawacyada Sudan ku dayacan

October, 19, 2017
 Yuusuf Garad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda laga soo sheegay Soomaalida dhaawaca ah ee ...

{DAAWO SAWIRADA } Wararkii ugu dambeeyay xaalada dhaawacyadii la geeyay Sudan

October, 19, 2017
Wararka ka imanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in dhaawacyadii la geeyay dalka Sudan oo cabasho ka keenaya  isbitaalada ...

{DAAWO SAWIRADA} Dayactir Lagu Bilaabay Goobtii Uu Qaraxa Ka Dhacay Ee Zoobe

October, 19, 2017
Waxaa Maanta la bilaabay dib-dhis lagu sameynayo Wadada Isgoyska zoobe taas oo ku burburtay qarixii khasaaraha badan gestay ...

{DHAGEEYSO} Dowladda Soomaaliya Oo Jawaab Ka Bixineysa Qarixii Ka Dhacay Isgoyska Zoobe

October, 19, 2017
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxwenaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhacdadii ka dhacday 14 Bishaan Zoobe ay tahay ...

Baroordiiq Qahira Loogu Sameeyay Dhibbanayaashi Qaraxii Zoobe

October, 19, 2017
Kulan baroorqiid ah oo ay Soomaalida ku nool Masar ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarki 14-ki October ...

Mid Ka Mid Ah Dhaawacyadii Loo Qaaday Dalka Suudaan Oo Geeriyooday

October, 19, 2017
Dhaawacyadii ku jiray Isbitaalka Tamayuz ee dalka Suudan qaarkood ayaa haatan la bilaabay in loo wareejiyo Isbitaalo kale ...