Mareykanka oo ka Hadlay dagaalka Soomaalida iyo Oromada

0
13

Dowladda Mareykanka ayaa u sheegtay Itoobiya in ay baarto 55 qof oo la sheegay in ay ku dhinteen dagaal qowmiyadeed ka dhacay Bariga dalkaasi.

Ugu yaraan 50 kun oo kale ayaa barakacay tan iyo markii dagaalka uu ka dhacay xuduudda gobolada Somalida iyo Oromada ee Itoobiya.

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xun.

Dowladda Itoobiya ayaa laga dalbaday in ay la xisaabtanto dadka masuulka ka ahaa rabshadaha ka dhacay Bariga Itoobiya ee dadka lagu dilay

Dadka ku nool goobaha ay dagaalladu ka dheceen ayaa sheegay in boqollaal qof la dilay.

Maamullada deegaanada Soomaaliya iyo Oromada ayaa isku eedeeyay in la adeegsaday maleeshiyaad iyo ciidamada maamullada si ay u qaadaan weeraro aargoosi ah.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa isbuucii tagay amray in booliska Federaalka uu kormeer ku sameeyo deegaanada lagu dagaallamay, militarigana uu hub ka dhigis sameeyo.

Xuduudda labada maamul ay wadaagaan ayaa aad u dheer. Afti la qaaday 2004-tii si xiisadda ka dhexeyso Oromada iyo Soomaalida loo dejiyo ayaa fashilantay.

Itoobiya waxaa ka dhacayay dibad baxyo dowladda ka dhan ah tan iyo 2014, Mareykankana wuxuu sheegay in dagaalka ugu dambeeyay uu muujinayo in dowladda looga baahan yahay in ay tallaabo muhiim ah qaado si loo qaado dimuquraadiyad iyo dal loo siman yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here