Sunday, November 19th, 2017
Advertisements
Advertisements

Maxaa Ka Jiro Wararka Sheegaya In Ciidamo AMISOM ah La Geeyey Dhuusa Mareeb ?

Published on September 15, 2017 by   ·   No Comments

Warbaahinta qaar ee dalka ayaa shalay tabiyay war sheegaya in Ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM la geeyay magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna C/laahi Xirsi Diirshe Daacad ayaa warbaahinta u sheegay in ay been abuur yihiin wararka sheegaya in Ciidamo AMISOM ah la geeyay magaalada Dhuusa-mareeb.

Wuxuu sheegay warkan in uu yahay xaaalad qaldan oo la abuuray, maamulka gobolada dhexena warkaasi uu u arkayo mid dad gaar ah ay iska wadaan.

C/laahi Xirsi Diirshe Daacad Madaxweyne ku xigeenka Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna ayaa dhanka kale sheegay in uusan jirin wadahadal u socda maamulka Galmudug iyo  Ahlusuna.

“Waa been abuur in Ciidamo AMISOM ah la keenay Dhuusa-mareeb, horey waxaa Dhuusa-mareeb u joogay Ciidamadii Dowladdii hore ay keentay ilaa hada kuwaas aya jooga, ma jiraan wadahadal inoo socda anaga iyo Galmudug.” Ayuu yiri C/laahi Xirsi.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Mareykanka oo Diyaarado Lagula dagaalamo Shabaab ku wareejiyay Uganda…

November, 19, 2017
Waaxda Gaashaandhigga ee dalka Maraykanka “THE PENTAGON” ayaa ku dhawaaqday inay Ciiddanka Uganda ka jooga Somalia ku taageeri ...

{Akhriso} Maamulka Puntland Iyo Dowladda Shiinaha Oo Heshiis Cusub Kala Saxiixday

November, 19, 2017
Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ...