Thursday, October 19th, 2017
Advertisements
Advertisements

Maxkamad Ku Taalo Gaalkacayo Oo La Geeyey nin lagu eedeeyay inuu nabi Muxamad (NNKH} u Gefay

Published on September 19, 2017 by   ·   No Comments

Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn loo hadal haayay nin la sheegay in uu meel dhigay sawir uu ku sheegay in uu yahay Nabi Maxamed, Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ahaatee.

Kumannaan qof ayaa si kala duwan uga hadlay hadalka ninkaas, waxaana sidoo kale ka hadlay culimmada Soomaalida.

Waxaa la sheegay in ninkaasi uu joogo Gaalkacayo, Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee maamulka Galmudug ayaa amartay in ninkaasi la soo xiro lana horkeeno sharciga.

Waxay ninkaasi ku eedeynayaan in uu ku xadgudbay diinta Islaamka, uuna aflagaadeeyay nabi Maxamed (SCW)

Balse, maxkamadda Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegtay in dembi lagu waayay ninkaasi lagu eedeeyay in uu Sawir meel yaalla ku tilmaamay nabi Maxamed (SCW).

Garsooraha maxkamaddaas, Sheekh Maxamed Macallim Cali ayaa BBC-da u sheega in ninka la eedeeyay oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare uu maxkamadda hor yimid oo su’aalo la waydiiyay, markii dambana la fasaxay.

“Maalmo dhan baan daba joognay, haddana Sheekha waan wareysanay wuxuuna caddeeyay in arrintaas uu ka bari yahay,” Ayuu yiri garsooraha.

Sheekh Mursal Cabdiraxmaan Axmed, wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Galmudug ayaa BBC-da u sheegay in ninkasi uu geystay dembi, lana baaridoono.

“Waxaan ka hadalnay in arrintaasu tahay mid diin ka bax ah, wax banaan iyo mid qiil loo raadin karana aysan ahayn. Waxaan amarnay in ninkaasi haddii uu joogo Galkacyo la soo qabto, baaritaanna lagu sameeyo in uu yahay qof fayow iyo in uu arrintaasi dhab u sameeyay”.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in haddii ay cadaato in isagoo fayow uu si dhab ah u sameeyay arrintaas sharciga la mariyo.

Laakiin, Garsooraha maxkamadda Koonfurta Gaalkacyo, Sheekh Maxamed Macllim Cali ayaa sheegay in Wasiirka uu ku degdegay arrin uusan la socon.

“Wasiirka wuxuu ku degdegay arrin uusan la socon in maxkamad ay ku jirto”, ayuu yiri garsooraha.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Dhageyso:-Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Dalka Ka Jira

October, 19, 2017
Cabdi Xaashi Cabillaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa marka hore ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dowlad ...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Dhaawacyada Sudan ku dayacan

October, 19, 2017
 Yuusuf Garad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda laga soo sheegay Soomaalida dhaawaca ah ee ...

{DAAWO SAWIRADA } Wararkii ugu dambeeyay xaalada dhaawacyadii la geeyay Sudan

October, 19, 2017
Wararka ka imanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in dhaawacyadii la geeyay dalka Sudan oo cabasho ka keenaya  isbitaalada ...

{DAAWO SAWIRADA} Dayactir Lagu Bilaabay Goobtii Uu Qaraxa Ka Dhacay Ee Zoobe

October, 19, 2017
Waxaa Maanta la bilaabay dib-dhis lagu sameynayo Wadada Isgoyska zoobe taas oo ku burburtay qarixii khasaaraha badan gestay ...

{DHAGEEYSO} Dowladda Soomaaliya Oo Jawaab Ka Bixineysa Qarixii Ka Dhacay Isgoyska Zoobe

October, 19, 2017
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxwenaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhacdadii ka dhacday 14 Bishaan Zoobe ay tahay ...

Baroordiiq Qahira Loogu Sameeyay Dhibbanayaashi Qaraxii Zoobe

October, 19, 2017
Kulan baroorqiid ah oo ay Soomaalida ku nool Masar ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarki 14-ki October ...

Mid Ka Mid Ah Dhaawacyadii Loo Qaaday Dalka Suudaan Oo Geeriyooday

October, 19, 2017
Dhaawacyadii ku jiray Isbitaalka Tamayuz ee dalka Suudan qaarkood ayaa haatan la bilaabay in loo wareejiyo Isbitaalo kale ...