Saturday, September 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

Neymar Oo Fariin U Diray Barca, Bayern & Real: Waxaan Fursad Fiican U Heysanaa Ku Guuleysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan

Published on September 11, 2017 by   ·   No Comments

Neymar ayaa aaminsan in Paris Saint-Germain ay heysato fursad fiican oo ay ku hanato Champions League xilli ciyaareedkan marka loo eego Barcelona, Bayern Munich iyo Real Madrid

Xiddiga reer Brazil ayaa jabiyay rikoorka suuqa kala iibsiga horaantii xagaagan markii uu PSG ugu biiray heshiis 222 milyan yuro ah.

Neymar ayaa ku guuleystay sideed koob mudadii afarta xilli ciyaareed ee uu joogay Nou Camp oo ay ku jirto koobkii Champions League ee ay hanteen 2015.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Laakiin waxa uu aaminsan yahay in kooxda Faransiiska ay fursad fiican u heysato hanashada Champions League xilli ciyaareedkan.

“Mid ka mid ah sababihii ugu weynaa ee aan u imid PSG ayaa aheyd inaan ka caawiyo inay kooxda taariikh sameyso” ayuu Neymar u sheegay The Sun.

“Champions League kaliya ma ahan koobka aan dooneyno inaan ku guuleysano – laakiin waa koob aad u muhim ah.

“Hamigeena xilli ciyaareedkan waxa uu yahay inaan isku dayno oo ku guuleysano koobkaas – waana heerka ay kooxda joogto haatan. Waxaan aaminsanahay inaan awood u leenahay hanashada koobka.

“Kaliya ma ahan inaan heysano tayada aan ku qaadi karno laakiin waxaan sidoo kale heysanaa khibrada – waxaa jooga halkaan ciyaartoy garanaya waxa ay la micno tahay hanashada Champions League.

“Waan ku soo guuleystay koobka, Dani Alves seddex jeer ayuu soo qaaday, Thiago Motta waxa uu ku soo qaaday Barcelona iyo Inter, Angel di Maria waxa uu ku soo qaaday Real Madrid. Kaliya ma heysano tayo laakiin sidoo khibrad dhab ah.”

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA}Madaxweyne Waare Oo Beledweyne Kulan Kula Qaatay Saraakiil Ka Tirsan UN-ka

September, 22, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Saraakiisha UN-ka ee ...

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Guddoomiye Ku Xigeenki Beledweyne Bashiir Dhoore

September, 22, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida xalay ku timid Bashiir Xusseen Dhoore ...

{DHAGEEYSO} Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka Hadlay Xiisada Udhaxeeyso Wadamada Carabta Iyo Gu’aanka Hirshabeelle

September, 22, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi waare ayaa Ka hadlay Xiisada udhaxeeyso Xulufada Sucuudiga oo Hogaaminayo iyo Dowlada Qatar ...

Madaxweyne Xaaf “Uma dulqaadan doono faragelinta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha”

September, 22, 2017
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa mar kale ku celiyay mowqifkiisa ku aadan go’aanka ay ka qaateen khilaafka Khaliijka ee ...

Duufaanta Maria oo shan iyo toban qof ku dishay jasiiradaha Caribbean-ka

September, 22, 2017
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay labaatan qof oo kalena waa la la'yahay jasiiradaha Dominica ka dib ...

Doorashada Kenya oo dib loo dhigay Kadib Markii la sheegey in ay Jirto….

September, 22, 2017
Waxaa dib loo dhigay doorashada dalka Kenya oo hadda la qaban doono 26-ka bisha soo socota ee Octobar.Waxayna ...

{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha

September, 22, 2017
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha ...