Saturday, November 18th, 2017
Advertisements
Advertisements

Qarax Miino oo lala eegtay ciidamo Milatari oo marayay duleedka Balcad

Published on September 11, 2017 by   ·   No Comments

Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in gaari ay saarnaayeen ciidamo ay miino kula kacday inta u dhexeysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololey.

Ugu yaraan shan askari oo ka mid ah ciidamadii saarnaa gaariga ayaa ku dhintey halka qaar kalana ay dhaawacyo ka soo gaareen sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah.

Ma jiro wax war ahoo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe ee ku saabsan weerarkan loo adeegsaday miinada oo ka dhacay gobolka Sh/dhexe.

Ma aha markii ugu horeysay ee weerar miino loo adeegsado uu ka dhaco wadada u dhexeysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololey hase yeeshee weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Jowhar ay ka socoto qabanqaabada doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

WAR DEG DEG AH-:Xildhibaanada Golaha Shacabka oo isku raacay in Sharci Darro tahay dhiibistii Qalbi dhagax.

November, 18, 2017
Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo xiligaan ka socda Xarunta Golaha Shacabka ayaa warbixin ka dhageestay guddigii loo ...

{Akhriso} Qodobada Ay Isku Afgarteen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hogaanka Xisbiga WADDANI.

November, 18, 2017
Kulankii ay manta  yeesheen komishanka Doorashooyinka qaranka iyo hogaanka xisbiga WADDANI ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa. ...