Sunday, November 19th, 2017
Advertisements
Advertisements

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo ka Qeyb galaya shirka sanadlaha ee Qaramada Midoobey

Published on September 13, 2017 by   ·   No Comments

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Todobaadka soo socota u kicitimaya magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu uga qeyb galayo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee sanadlaha ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo lagu waday in shirkan uu ka qeyb galo markii u horeysay isagoo Madaxweyne ah, ayaa uga baaqday sababo aan la shaacin.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay warbaahinta in maalinta Axada ee soo socota uu u duuli doono magaalada New York.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey uu ka jeediyo khudbad dheer oo uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo is bedeladii dalka ka dhacay horaantii sanadkan, kaddib doorashadii Madaxweynaha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay New York kaga qeyb galaya shirar gaar gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhinac furmaya shirka Golaha guud, waxaa uu kaloo la kulmi doona Madaxda kala duwan.

Ugu dambeyn shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa looga hadli arrimaha ka taagan caalamka, arrinta qatarta Waqooyiga Kuuriya ee tijaabinta gantaalada iyo arrimo kale.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Mareykanka oo Diyaarado Lagula dagaalamo Shabaab ku wareejiyay Uganda…

November, 19, 2017
Waaxda Gaashaandhigga ee dalka Maraykanka “THE PENTAGON” ayaa ku dhawaaqday inay Ciiddanka Uganda ka jooga Somalia ku taageeri ...

{Akhriso} Maamulka Puntland Iyo Dowladda Shiinaha Oo Heshiis Cusub Kala Saxiixday

November, 19, 2017
Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ...