Thursday, October 19th, 2017
Advertisements
Advertisements

Ra’islawasaaraha Itoobiya oo Oromada iyo Somalida wadahadal uga furay Adis ababa.

Published on September 19, 2017 by   ·   No Comments

Ra’islawasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn  ayaa kulan wadahadal ah u qabtay madaxda Maamullada Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen madaxda Maamullada,Odayaasha Labada dhinac iyo wakiillo ka socday dowladda Federaalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay shaqaaqada dhexmartay Soomaalida iyo Oromada.

Hailemariam Desalegn,ayaa ku hanjabay in tallaabo cad laga qaadayo dadkii ka dambeeyay khilaafka sababay dagaalka ee u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida.

Waxaa uu Ra’islawasaaraha Itoobiya hanjabaad gaar ah u diray Warbaahinta labada maamul ee buun buuninaya colaadda labada dhinac isaga oo sheegay in si gaar ah warbaahinta loola xisaabtamayo.

Dadka Oromada iyo Soomaalida ayuu ugu baaqay in ay nabad ku wada noolaadaan,islamarkaana ay ka waantoobaan dagaalka oo uu sheegay in ay gacmo shisheeye ka dambeeyaan.

Wadahadallada oo ka sii socon doona Adis ababa ayaa looga hadlayaa waxii ka dhex dhacay Soomaalida iyo Oromada,xalka laga gaarayo iyo sidii looga hortagi lahaa in mar kale ay soo laabtaan dhacdooyin noocaas ah.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Dhageyso:-Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Dalka Ka Jira

October, 19, 2017
Cabdi Xaashi Cabillaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa marka hore ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dowlad ...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Dhaawacyada Sudan ku dayacan

October, 19, 2017
 Yuusuf Garad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda laga soo sheegay Soomaalida dhaawaca ah ee ...

{DAAWO SAWIRADA } Wararkii ugu dambeeyay xaalada dhaawacyadii la geeyay Sudan

October, 19, 2017
Wararka ka imanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in dhaawacyadii la geeyay dalka Sudan oo cabasho ka keenaya  isbitaalada ...

{DAAWO SAWIRADA} Dayactir Lagu Bilaabay Goobtii Uu Qaraxa Ka Dhacay Ee Zoobe

October, 19, 2017
Waxaa Maanta la bilaabay dib-dhis lagu sameynayo Wadada Isgoyska zoobe taas oo ku burburtay qarixii khasaaraha badan gestay ...

{DHAGEEYSO} Dowladda Soomaaliya Oo Jawaab Ka Bixineysa Qarixii Ka Dhacay Isgoyska Zoobe

October, 19, 2017
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxwenaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhacdadii ka dhacday 14 Bishaan Zoobe ay tahay ...

Baroordiiq Qahira Loogu Sameeyay Dhibbanayaashi Qaraxii Zoobe

October, 19, 2017
Kulan baroorqiid ah oo ay Soomaalida ku nool Masar ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarki 14-ki October ...

Mid Ka Mid Ah Dhaawacyadii Loo Qaaday Dalka Suudaan Oo Geeriyooday

October, 19, 2017
Dhaawacyadii ku jiray Isbitaalka Tamayuz ee dalka Suudan qaarkood ayaa haatan la bilaabay in loo wareejiyo Isbitaalo kale ...