Saturday, September 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

Real Madrid Vs Barcelona Taariikhda Iyo Waqtiga La Ciyaarayo Kulanka Ugu Soo Horeeya El Clasico Ee Xilli Ciyaareedka La Liga Oo La Xaqiijiyay

Published on September 11, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha horyaalka La Liga Javier Tebas ayaa shaaca ka qaaday taariikhda iyo waqtiga la ciyaari doona kulanka ugu soo horeeya El Clasico ee horyaalka ee u dhaxeeya kooxaha xafiiltama ee Real Madrid iyo Barcelona.

Javier Tebas oo u hadalayay idaacada Isbaanishka ee Onda Cero xalayto oo Axad aheyd ayaa xaqiijiyay in ciyaarta ugu soo horeysay horyaalka ee El Clasico inay ka dhici doonta Santiago Bernabeu maalin Sabti ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 23ka bisha December, saacaduna ay tahay 1da duhurnimo waqtiga Spain oo ku beegan 3da galabnimo waqtiga Geeska Afrika, madaama ay saacadu is bedeleyso waqtiga qaboobaha Yurub.

Sababta waqtigaan qeyrul caadiga ah loo ciyaarayo kulanka ugu horeeya El Clasico ee xilli ciyaareedka La Liga ayaa lagu sheegay inay tahay ka qeyb qaadashada Real Madrid ee koobka Club World Cup.

Madaama Los Blancos ay xilli ciyaareedkii hore difaacatay Champions League waxa ay ka qeybgeli doontaa koobka Club World Cup oo sannadkan lagu qabanayo United Arab Emirates iyadoo tartanka uu bilaabanayo 6da December islamarkaana uu ku eg yahay 16ka December.

Kooxda Zinedine Zidane waxa ay ciyaari doontaa marka uu tartanka soo gaasho wareega afar dhamaadka oo la dheeli doono 13ka December iyagoo isku dayaya inay difaacdaan koobkaan.

Kulankaan waxa uu ka mid noqon doonaa kulamada isbuuca 17aad ee horyaalka La Liga iyadoo kulamada kooxaha kale ee horyaalka la ciyaari doono bartamaha isbuuca ee 20ka iyo 21ka December.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA}Madaxweyne Waare Oo Beledweyne Kulan Kula Qaatay Saraakiil Ka Tirsan UN-ka

September, 22, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Saraakiisha UN-ka ee ...

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Guddoomiye Ku Xigeenki Beledweyne Bashiir Dhoore

September, 22, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida xalay ku timid Bashiir Xusseen Dhoore ...

{DHAGEEYSO} Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka Hadlay Xiisada Udhaxeeyso Wadamada Carabta Iyo Gu’aanka Hirshabeelle

September, 22, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi waare ayaa Ka hadlay Xiisada udhaxeeyso Xulufada Sucuudiga oo Hogaaminayo iyo Dowlada Qatar ...

Madaxweyne Xaaf “Uma dulqaadan doono faragelinta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha”

September, 22, 2017
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa mar kale ku celiyay mowqifkiisa ku aadan go’aanka ay ka qaateen khilaafka Khaliijka ee ...

Duufaanta Maria oo shan iyo toban qof ku dishay jasiiradaha Caribbean-ka

September, 22, 2017
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay labaatan qof oo kalena waa la la'yahay jasiiradaha Dominica ka dib ...

Doorashada Kenya oo dib loo dhigay Kadib Markii la sheegey in ay Jirto….

September, 22, 2017
Waxaa dib loo dhigay doorashada dalka Kenya oo hadda la qaban doono 26-ka bisha soo socota ee Octobar.Waxayna ...

{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha

September, 22, 2017
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha ...