Sunday, January 21st, 2018
Advertisements
Advertisements

Sama-faleyaal lagu Afduubtay duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay.

Published on September 11, 2017 by   ·   No Comments

Koox hubeysan oo loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ay ku qaadeen Sama-faleyaal Soomaali ah oo ku sugnaa duleedka magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay.

Weerar ay qaadeen Kooxdaasi ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Garas mooshin  oo qiyaastii 20 KM dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay.

Kooxda wax weerartay ayaa Afduubatay 6 ka mid ah Sama-faleyaashii ay weerareen waxaana ka badbaaday hal ka tirsanaa Shaqaalaha Sama-faleyaasha ah sida ay Idaacadda kulmiye u Xaqiijiyeen Xubno ka tirsan Koonfur Galbeed.

Shaqaalaha la Afduubtay ayaa ka tirsanaa Hay’ad Ma Xalli ah oo lagu magacaabo Kareedo, waxayna Buskud nafaqeysan iyo Cuntooyin kale ay ka qeybinayeen Duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha hay’adda ay u Shaqeynayeen Shaqaalaha la afduubtay sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo loo maleynayo in ay Afduub-kaan ay ka danbeeyeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed   ayaa sheegay in aysan hada ka hadli karin Afduubkaasi balse ay warbaahinta kala hadli doonaan Saacadaha soo socda.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Madaxweynaha Jabuuti Oo ku Taliyay inay baxaan Ciidamada AMISOM.

January, 20, 2018
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay Arimaha Siyaasadda, amaanka iyo ...

{DAAWO SAWIRADA} Saddex Ruux Oo Ku Geeriyootay Shil Ka Dhacay Muqdisho

January, 20, 2018
Wararka naga soo gaaraya Xaafada Haantadheer ee degmada Hodan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay ...