Wednesday, September 20th, 2017
Advertisements
Advertisements

Taliyaha Nabadsugida degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir oo la dhaawacay

Published on September 17, 2017 by   ·   No Comments

Gaari uu la socday Taliyaha Nabadsugida degmada Kaxda ee koofur galbeed gobolka Banaadir ayaa maanta la weeraray meel ku dhow Isgoyska Xoosh ee degmada Dharkeenley.

Rag hubeysan oo gaari wadatay ayaa la sheegay in rasaas ku fureen gaari uu la socday Taliyaha Nabadsugida degmada Kaxda C/naasir Xasan Cali.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha uu ku dhaawacmay rasaasta, iyadoo uu ku dhintay askari ilaalo u ahaa.

Dad goob joogayala ah ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ee weerarka geysatay ay wateen gaari nuuca NOAH ah, kaddibna ku baxsaday.

Guddoomiyaha degmada Kaxda ayaa sheegay in dhaawaca Taliyaha loo qaaday isbitaal, isagoo xusay in ciidamada ammaanka ay wadaan baadigoobka raggii ka dambeeyay weerarka.

Degmada Dharkeenley ayaa muddooyinkii u dambeeyay noqotay goobaha ugu badan ee ay ka dhacaan weerarada lagu fuliyo gaari dad hubeysan saaran yihiin, waxaana todobaadkii hore ka dhacday labo weerar oo kan la mid ah.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka Fiidnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada Baladweyne

September, 19, 2017
Dhageysatayaasha sharafta leh ee Radio Hiranweyn ee Magaalada B/weyne Ee ku xiran Webkeena Www.hiiraanweyn.net ama hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna ...

Dowlada Soomaaliya Oo ku dhawaqday dhisida Ciidamo Qaran Oo Boolis ah

September, 19, 2017
Shir loogaga hadlayo sidii loo dhisi lahaa ciidamo Boolis ah oo tiradoodu gaareyso 32,000 oo isku dhaf ah ...

Ra’islawasaaraha Itoobiya oo Oromada iyo Somalida wadahadal uga furay Adis ababa.

September, 19, 2017
Ra’islawasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn  ayaa kulan wadahadal ah u qabtay madaxda Maamullada Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya. Kulanka ...

Maxkamad Ku Taalo Gaalkacayo Oo La Geeyey nin lagu eedeeyay inuu nabi Muxamad (NNKH} u Gefay

September, 19, 2017
Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn loo hadal haayay nin la sheegay in uu meel dhigay sawir ...

DAAWO: Madaxweyne Cali Cabdulahi Cosoble Oo War Kasoo Saaray Doorashadii Hirshabeelle

September, 19, 2017
Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo Magaalada Nairobi wareysi ku siiyay Tv-Universal ayaa ka hadlay ...

{DAAWO SAWIRRADA} Diyaarad qaad siday oo maalintii Labaad ka Degtay Buuhoodle

September, 19, 2017
Magaalada Buuhoodle ayaa Maalintii Labaad, waxaa ka degtay diyaarad qaad ka keentay dalka Kenya ka dib markii uu ...

Mareykanka oo ka Hadlay dagaalka Soomaalida iyo Oromada

September, 19, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa u sheegtay Itoobiya in ay baarto 55 qof oo la sheegay in ay ku dhinteen ...