Tuesday, January 16th, 2018
Advertisements
Advertisements

Taliyihii NISA ee degmada Kaxda Oo Geeriyooday

Published on September 17, 2017 by   ·   No Comments

Taliyaha Nabad Suggida Degmada Kaxda Maxamuud Qooley iyo askar la socotay ayaa lagu weeraray Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, xilli Taliyaha uu maraayay Isgoyska Xoosh.

Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka ayaa sheegay dabley wadatay gaari noociisa uu yahay NOAH inay weerareen Taliyaha, xilli uu ku guda jiray shaqooyinkiisa maalinlaha ah.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay askari ilaalo u ahaa Taliyaha Nabad Suggida Degmada Kaxda, halka sidoo kale dhaawac uu soo gaaray Taliyaha oo loo qaaday Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, waxaana taliyaha ugu dambeyntii uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Dableydii ka dambeysay falka lagu beegsaday Taliyaha Nabad Suggida Degmada Kaxda ayaa ka baxsaday goobtii ay weerarka ka gaysteen, waxaana ay wateen gaari NOAH ah oo ay ku baxsadeen.

Bishan gudaheeda dilal qorsheysan iyo weeraro kala duwan oo ka dhacay Degmada Dharkeenley, ayaa lagu dilay ugu yaraan dad kor u dhaafaya 10 ruux oo qaarkood askar ay ku jiraan, halka sidoo kalena masuuliyiin kala duwan lagu dhaawacay.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Madaxweynaha Soomaliya Oo Goordhow Gaaray Dhuusa Mareeb

January, 16, 2018
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunat Gobolka Galgaduud,halkaasi oo ...

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Si Maqaamkeedu Sarreyo Loogu so dhaweyay Magaalada Dhuusa-mareeb

January, 16, 2018
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.     Garoonka ...