Saturday, September 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

Waaberi oo ku guuleestay cayaaraha degmooyinka gobolka Benaadir xili Hodan wado cad lagu diray

Published on September 8, 2017 by   ·   No Comments

Degmada Waaberi ayaa si rasmi ah ugu guuleesteen tartankii kubada cagta degmooyinka gobolka Benaadir kadib markii 3-1 ay ku dhaafeen dhigooda Hodan.

Kulankaan taariikhiga ah sidoo kalena mudo rubac qarni kadib magaalada Muqdisho habeen garoon caalami ah lagu cayaarayo ayaa waxaa si waali ah ugu soo daawasho tageen inta badan shacab weynaha gobolka Benaadir ku nool.

Cayaartan waxaa daah furay gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Taabir Cabdi Maxamed iyo masuliiyin kale oo maamulka gobolka ka tirsan.

Muxidiin Cabdi Dhaqane Maariyo ayaa geesiga garoonka loo doortay qaybtii hore ee cayaarta madaama uy isaga labada goo dhaliyay.

Cayaaryahan Fitaax ayaa degmada Hodan rigoore ka qasaariyay daqiiqadii 29-aad balse garsooraha ayaa ku amray in lagu celiyo madaama goolhaye Saalim banaanka usoo baxay.

Nasiib daro markii gool ku laadka lagu celiyay degmada Hodan wey iska qasaarisay oo hawada sare ayay marsiisay.

casaan ayaa la siiyay cabdulaahi cabdi daqiiqadii 33-aad oo degmada Waaberi ka tirsan kooxdiisana wuxuu ku qasbay inay 10-cayaaryahan ku cayaaraan.

Qaybta hore ee cayaarta kusoo idlaatay Waaberi oo 2-0 ku hor kacayaan ayagoo 10-cayaaryahan ah sidoo kalena Hodan culees ayaa saarnaa.

Qaybta labaad ee cayaarta Waaberi oo 10-cayaaryahan ah ayaa gool sedexaad la timid cayaartana waxay noqotay 3-0 si toos ah ayay Hodan u niyad jabeen.

Kulankaan oo 15-daqiiqo ka harsan ayay Hodan gool la timid waxaana goolkan iska dhaliyeen daafacyada Waaberi cayaartana waxay noqotay 3-1.

Inkastoo degmada Hodan wiilasheeda dadaal dheeri ah sameeyeen hadana uma suura galin inay iska soo gudaan labadii gool ee lagu lahaa.

Kulankaan ugu dambeyntii degmada Waaberi oo 10-cayaaryahan ah ayaa guusha ku qaadatay 3-1 iyadoo Hodan ay niyad jab goobta ka qaadeen.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA}Madaxweyne Waare Oo Beledweyne Kulan Kula Qaatay Saraakiil Ka Tirsan UN-ka

September, 22, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Saraakiisha UN-ka ee ...

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Guddoomiye Ku Xigeenki Beledweyne Bashiir Dhoore

September, 22, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida xalay ku timid Bashiir Xusseen Dhoore ...

{DHAGEEYSO} Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka Hadlay Xiisada Udhaxeeyso Wadamada Carabta Iyo Gu’aanka Hirshabeelle

September, 22, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi waare ayaa Ka hadlay Xiisada udhaxeeyso Xulufada Sucuudiga oo Hogaaminayo iyo Dowlada Qatar ...

Madaxweyne Xaaf “Uma dulqaadan doono faragelinta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha”

September, 22, 2017
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa mar kale ku celiyay mowqifkiisa ku aadan go’aanka ay ka qaateen khilaafka Khaliijka ee ...

Duufaanta Maria oo shan iyo toban qof ku dishay jasiiradaha Caribbean-ka

September, 22, 2017
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay labaatan qof oo kalena waa la la'yahay jasiiradaha Dominica ka dib ...

Doorashada Kenya oo dib loo dhigay Kadib Markii la sheegey in ay Jirto….

September, 22, 2017
Waxaa dib loo dhigay doorashada dalka Kenya oo hadda la qaban doono 26-ka bisha soo socota ee Octobar.Waxayna ...

{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha

September, 22, 2017
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha ...