Wednesday, September 20th, 2017
Advertisements
Advertisements

Wafdi horu dhac u ah Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada New York

Published on September 17, 2017 by   ·   No Comments

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno la socda ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana ay horudhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo maalinta berri lagu wado inay u kicitimaan New York

Yuusuf Garaad oo shalay subax ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu horu dhac u yahay wafdi Wasiiro ka kooban oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

“Waxaan hordhac u ahay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo isaga oo hoggaaminaya wafdi Wasiirro ka kooban Soomaaliya ku matali doona shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo Madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan”ayuu yiri Yuusuf Garaad qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa markii u horeysay ka qeyb geli doona shirka golaha guud ee Qaramada Midoobey, iyadoo shirkan uu ka baaqday Madaxweyne Farmaajo.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in maanta shirar  gooni gooni ay ay la qaadan doonaan Mas’uuliyiin ka kala socota dalalka Caalamka oo hirkaan ka qeyb galaya.

Dhinaca Kale Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa New York kaga qeyb galaya Shir kale oo soo qaban qaabisay Dowladda Maraykanka kaas oo sanadkiiba mar dhax-mara Maraykanka iyo qaar ka mid ah Dowladaha Muslimka ah waxaana looga hadlaa sida Maraykanka iyo Muslimiinta isaga kaa shaan lahaayeen amniga.

Madaxda shirkaasi ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah hogaamiyaal Dowladda Maraykanka ay muwaadiniintooda ka mamnuucday in Maraykanka u safraan sida Soomaaliya, Ciraaq iyo kuwa kale.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka Fiidnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada Baladweyne

September, 19, 2017
Dhageysatayaasha sharafta leh ee Radio Hiranweyn ee Magaalada B/weyne Ee ku xiran Webkeena Www.hiiraanweyn.net ama hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna ...

Dowlada Soomaaliya Oo ku dhawaqday dhisida Ciidamo Qaran Oo Boolis ah

September, 19, 2017
Shir loogaga hadlayo sidii loo dhisi lahaa ciidamo Boolis ah oo tiradoodu gaareyso 32,000 oo isku dhaf ah ...

Ra’islawasaaraha Itoobiya oo Oromada iyo Somalida wadahadal uga furay Adis ababa.

September, 19, 2017
Ra’islawasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn  ayaa kulan wadahadal ah u qabtay madaxda Maamullada Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya. Kulanka ...

Maxkamad Ku Taalo Gaalkacayo Oo La Geeyey nin lagu eedeeyay inuu nabi Muxamad (NNKH} u Gefay

September, 19, 2017
Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn loo hadal haayay nin la sheegay in uu meel dhigay sawir ...

DAAWO: Madaxweyne Cali Cabdulahi Cosoble Oo War Kasoo Saaray Doorashadii Hirshabeelle

September, 19, 2017
Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo Magaalada Nairobi wareysi ku siiyay Tv-Universal ayaa ka hadlay ...

{DAAWO SAWIRRADA} Diyaarad qaad siday oo maalintii Labaad ka Degtay Buuhoodle

September, 19, 2017
Magaalada Buuhoodle ayaa Maalintii Labaad, waxaa ka degtay diyaarad qaad ka keentay dalka Kenya ka dib markii uu ...

Mareykanka oo ka Hadlay dagaalka Soomaalida iyo Oromada

September, 19, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa u sheegtay Itoobiya in ay baarto 55 qof oo la sheegay in ay ku dhinteen ...