Tuesday, January 16th, 2018
Advertisements
Advertisements

War deg deg ah : Xildhibaanada Aqalka sare oo dib u dhigay dooddii ay maanta ka yeelan lahaayeen kiiska Qalbi-Dhagax

Published on September 11, 2017 by   ·   No Comments

Xildhibaannada Aqalka sare ayaa dib u dhigay dooddii ay maanta ka yeelan lahaayeen go’aankii ay xukuumada ka qaadatay kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo loo gacan galiyay dowladda Itoobiya.

Guddoomiyaha gollaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa maalintii shalay sheegay in ajandaha kulanka maanta uu noqon doono doodda ku saabsan kiiska Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax iyo go’aanka ay ka qaadatay xukuumada.

Hasse ahaatee markii uu furmay kulankii maanta ayaa la sheegay in qaar ka mid ah xubnaha Aqalka sare soo jeediyeen in ajandaha laga saaro kiiiska Qalbi Dhagax, halka xildhibaanno kalena ka soo horjeesteen soo jeedinta dhinaca kale.

Buuq iyo jahwareer hareeyay kulanka kaddib ayuu guddoonka soo jeediyay in cod la galiyo aragtiyada iska soo horjeeda ee xidlhibaannada.

21 Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa u codeysay in dib loo dhigo kiiskan, isla markaana laga saaro ajandaha maanta, halka 11 Xildhibaan ay diiday, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay in ajandaha kiiska C/kariin Qalbi Dhagax dib loo dhigay, illaa ay ka soo dhamaaneyso dooda Golaha shacabka oo wali uu kiiskan ka furan yahay.

Fadhigii Sabtidii aynu soo dhaafnay ayaa sidan oo kale waxaa dib u dhac ku yimid kulan ay arintan ka yeelana lahaayeen xildhibaannada gollaha shacabka oo qaarkood xukuumada ku eedeeyay in ay si ku talagal ah u baajisay kulanka.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Madaxweynaha Soomaliya Oo Goordhow Gaaray Dhuusa Mareeb

January, 16, 2018
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunat Gobolka Galgaduud,halkaasi oo ...

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Si Maqaamkeedu Sarreyo Loogu so dhaweyay Magaalada Dhuusa-mareeb

January, 16, 2018
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.     Garoonka ...