Wednesday, September 20th, 2017
Advertisements
Advertisements

Xildhibaannada Kurdiyiinta oo haa ugu codeeyay aftida madaxbannaanida

Published on September 16, 2017 by   ·   No Comments

Baarlamaanka Kurdiyiinta Ciraaq ayaa waxa ay u codeeyeen in la taageero afti loo qaado madaxbannaanida, walow caalamka oo dhan uu arrintaasi ka soo horjeedo.

Dowlad goboleedka Kurdiyiinta oo kulankoodii ugu horreeyay muddo laba sanno ah yeeshay ayaa Jimcihii waxa ay ayideen codka la qaadi doono 25-ka bishan Sibteembar.

Dowladda dhexe ee Ciraaq ayaa Talaadadii diidday aftidaas waxa ayna ku tilmaantay mid dastuurka hareer marsan.

Iiraan, Turkiga iyo Mareykanka ayaa sidoo kale diiday codbixintaas, iyagoo ka baqaya inay arrintaa ka dhalato daganaanshiyo la’aan kale.

Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad ee looga taliyo waddanka Mareykanka saacado kaddib markii codka la qaaday ayaa Dowlad Goboleedka Kurdiyiinta waxaa looga codsaday inay joojiso aftida oo ay “wadahadallo xasaasi ah oo wax ku ool ah ay la gasho Baqdaad”.

Bayaanka ayaa ka digay in codka loo qaadayo madaxbannaanida ay suuragal tahay inuu “weeciyo dadaalada lagu doonayo in loogaga adkaado” maleeshiyaadka Ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

Hasayeeshee waxaa farxad dareemayay dadka taageersan aftida.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka Fiidnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada Baladweyne

September, 19, 2017
Dhageysatayaasha sharafta leh ee Radio Hiranweyn ee Magaalada B/weyne Ee ku xiran Webkeena Www.hiiraanweyn.net ama hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna ...

Dowlada Soomaaliya Oo ku dhawaqday dhisida Ciidamo Qaran Oo Boolis ah

September, 19, 2017
Shir loogaga hadlayo sidii loo dhisi lahaa ciidamo Boolis ah oo tiradoodu gaareyso 32,000 oo isku dhaf ah ...

Ra’islawasaaraha Itoobiya oo Oromada iyo Somalida wadahadal uga furay Adis ababa.

September, 19, 2017
Ra’islawasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn  ayaa kulan wadahadal ah u qabtay madaxda Maamullada Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya. Kulanka ...

Maxkamad Ku Taalo Gaalkacayo Oo La Geeyey nin lagu eedeeyay inuu nabi Muxamad (NNKH} u Gefay

September, 19, 2017
Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn loo hadal haayay nin la sheegay in uu meel dhigay sawir ...

DAAWO: Madaxweyne Cali Cabdulahi Cosoble Oo War Kasoo Saaray Doorashadii Hirshabeelle

September, 19, 2017
Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo Magaalada Nairobi wareysi ku siiyay Tv-Universal ayaa ka hadlay ...

{DAAWO SAWIRRADA} Diyaarad qaad siday oo maalintii Labaad ka Degtay Buuhoodle

September, 19, 2017
Magaalada Buuhoodle ayaa Maalintii Labaad, waxaa ka degtay diyaarad qaad ka keentay dalka Kenya ka dib markii uu ...

Mareykanka oo ka Hadlay dagaalka Soomaalida iyo Oromada

September, 19, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa u sheegtay Itoobiya in ay baarto 55 qof oo la sheegay in ay ku dhinteen ...