Al-Shabaab oo la Sheegay in gaari xamuul ah ay ka qaateen Ciidamada kenya.

0
4

Wararka naga soo gaaraya degmada ceel-waaq ee gobalka gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xalay ay weerar ku soo qaadeen dagaalamayaasha Al Shabaab ciidamada Kenya oo ku sugnaa Deegaanka Buusaar, oo 40km u jira Degmadaas, iyagoona goobtaasi ka jiitay mid ka mid ah gaari ay leeyihiin ciidamadaas.

Ciidanka Kenya ayaa  waxaa la soo sheegaya in ay awoodi kari waayeen in gaariga ay ka difaacdaan Shabaabka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in iska hor imaad u dhexeeyay ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka Deegaanka ayaa Sheegay in Ciidamada Kenya laga qaatay gaari xamuul ah,maadaama kolonyadii la socotay gaariga ay  goobta isaga baxsadeen,kadib markii ay iska cabin waayeen Al-Shabaab.

Ma jiraan ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Kenya ee la Sheegay in gaari xamuul ah ay Al-Shabaab ka qaateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here