Wednesday, February 21st, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Dhacdo La yaab leh Haween ku xayirmay garoon markii wejigooda laga aqoonsan waayay sawirrada dal-ku-galka

Published on October 11, 2017 by   ·   No Comments

Sawirrada saddexda gabdhood oo Shiinees ah ayaa la sheegayaa inay ku xayirmeen gegida duyuuradaha Koofur Kuuriya, waayo baasaboorradooda ayaan si sax ah uga ekeyn wejiyadooda kadib markii qaliin-qurxin ay isku sameeyeen.

Kuuriya waxay caan ku tahay qalliimada quruxda kuwa ugu casrisan adduunka, marka la yaab malahan in haweenka dalalka kale ee Asiya ka socda sida Shiinaha iyo Japan ay joogto u yimaadaan Kuuriya si wejiga loogu qurxiyo.

Dhibaatadu waxay tahay in qaarkood shaqadu kaga joogsato sanka iyo dhabanno shubista. Waxay taas bedelkeeda dib u suuradeeyaan wejiga oo dhan taas oo dhibaato ku ah waaxda gegida diyaaradaha inay ka heyb aqoonsadaan sawiradda baasaboorradooda.

“Wejiga oo wada shuban, xittaa hooyadaa ma awoodo inay ku garato,” Qof ayaa soo qoray.

“I saamax, uguma tala-gelin inaan qoslo hayeeshe wejiyadooda aad bay isku doorriyeen,” Mid kale ayaa soo qoray.



Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Mareykanka oo sheegay inuu Duqeyn ku dilay Dagaalyahano Shabaab ah

February, 21, 2018
Ciidamada Millitariga dalka Mareykanka ayaa sheegay Duqeyn 19-kii bishan Maalinkii Isniinta ka dhacday meel u dhow degmada Jillib ...

Hay’ada Xaquuqda Aadadanaha Ee HRW oo sheegtay caruurta Soomaaliyeed in la saaro Maxkamado Millitari

February, 21, 2018
Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay jiraan caruur si sharci daro ah loogu xir-xiro ...