Thursday, October 19th, 2017
Advertisements
Advertisements

{DHAGEEYSO} Maxuu Salka Ku Haaya Is Casilaada Wasiirka Gashandhiga Iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka?

Published on October 12, 2017 by   ·   No Comments

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo maanta waqti badan qaatay.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed guuleed (Qadar) ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen Arrimaha amniga, xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo warbixino laga dhageystay Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha

Golaha ayaa marka hore waxa ay si weyn uga hadleen arrimaha amniga, taasi oo Dowladdu ay sheegtay in ay dar dar gelineyso ammaanka guud ee dalka iyo xasilinta caasimadda.

Golaha Wasiirada ayaa qiray in ay xiriir wanaagsan la leeyihiin Wasaaradaha Dowlad goboleedyada, gaar ahaan Wasaaradaha Qorsheynta, Warfaafinta, Waxbarashada, Arrimaha Gudaha, Dastuurka, Maaliyadda, Dhalinyarada iyo Isboortiga, Amniga, Ganacsiga iyo kuwo kale.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa waxa ay qireen Xukuumadan uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Xasan Cali Khayre in ay tahay xukuumad ku dhisan isla xisaabtan, islamarkaana kordhisay xiriirka iyo wada shaqeynta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Golaha Wasiirada Soomaaliya la soo gaarsiiyay in Taliyihii Ciidanka xoogga dalka Axmed Maxamed Jimcaale Gen. Cirfiid uu is casilay, kadibna Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Golaha Wasiirada uu horkeenay talo soo jeedin ku aadan Taliyaha xoogga dalka, maadaama booska uu banaanaaday in Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) loo magacaabo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, dood dheer iyo falanqeyn kadib Golaha Wasiirada ayaa ogolaaday in Gorod uu noqdo Taliyaha Ciidanka xooga dalka.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in uu is casilay Wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed, sababo isaga u gaar ah awgeed, Golahana ay ka aqbaleen codsigiisa.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Dhageyso:-Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Dalka Ka Jira

October, 19, 2017
Cabdi Xaashi Cabillaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa marka hore ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dowlad ...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Dhaawacyada Sudan ku dayacan

October, 19, 2017
 Yuusuf Garad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda laga soo sheegay Soomaalida dhaawaca ah ee ...

{DAAWO SAWIRADA } Wararkii ugu dambeeyay xaalada dhaawacyadii la geeyay Sudan

October, 19, 2017
Wararka ka imanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in dhaawacyadii la geeyay dalka Sudan oo cabasho ka keenaya  isbitaalada ...

{DAAWO SAWIRADA} Dayactir Lagu Bilaabay Goobtii Uu Qaraxa Ka Dhacay Ee Zoobe

October, 19, 2017
Waxaa Maanta la bilaabay dib-dhis lagu sameynayo Wadada Isgoyska zoobe taas oo ku burburtay qarixii khasaaraha badan gestay ...

{DHAGEEYSO} Dowladda Soomaaliya Oo Jawaab Ka Bixineysa Qarixii Ka Dhacay Isgoyska Zoobe

October, 19, 2017
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxwenaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhacdadii ka dhacday 14 Bishaan Zoobe ay tahay ...

Baroordiiq Qahira Loogu Sameeyay Dhibbanayaashi Qaraxii Zoobe

October, 19, 2017
Kulan baroorqiid ah oo ay Soomaalida ku nool Masar ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarki 14-ki October ...

Mid Ka Mid Ah Dhaawacyadii Loo Qaaday Dalka Suudaan Oo Geeriyooday

October, 19, 2017
Dhaawacyadii ku jiray Isbitaalka Tamayuz ee dalka Suudan qaarkood ayaa haatan la bilaabay in loo wareejiyo Isbitaalo kale ...