Monday, November 20th, 2017
Advertisements
Advertisements

DHAGEYSO: Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Oo is Casilay Iyo Sababta

Published on October 16, 2017 by   ·   No Comments

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii Afhayeenimo, kadib hadal kooban oo uu siiyay Warbaahinta Muqdisho.

Mar aan weydiinay Afhayeenka Sababta uu isku casilay ayaa wuxuu inoo sheegay in ay tahay inuusan u jeedin hormar dalkan in lagu sii hoggaamiyo la doonayo, wuxuuna tilmaamay in uusan mar walba fiirsan karin in shacab la gumaaday uu ka dul hadlo.

Wuxuu kaloo inoo sheegay Axmed Carab in hada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland, halkaasi oo markii horeba uu ka yimid.

29-kii April ee sanadkan wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa Afhayeenka Wasaarada Amniga waxaa loogu magacaabay Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Axmed Carab) iyadoo xilkaasi laga qaaday C/Kaamil Macalin Shukri.

Axmed Carab ayaa inta uusan qaban xilka Afhayeenka Wasaaradda Amniga, wuxuu horey u soo noqday Afhayeenkii laamaha amniga maamulka Jubbaland.

Halkan Hoose Ka Dhageyso:

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta aqrinaya miisaaniyadda 2018

November, 20, 2017
Kulnaka Golaha shacabka ee maanta ayaa ku saabsan aqrinta 1aad ee Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2018,waxaana sidoo kale ...

Faah Faahin Ka sobaxeyso Werar Kagu Qaaday Ciidamada Katirsan Dowlada Soomaaliya,

November, 20, 2017
Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa lagu weeraray Xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley, kadib markii dabley ...