Wednesday, February 21st, 2018
Advertisements
Advertisements

Dowlada Iran oo Puntland ku eedeysay in ay toogasho ku dileen Kabtanka Markab ay leedahay

Published on October 12, 2017 by   ·   No Comments

Dowladda Iraan ayaa ka hadashay dil dhawaan Ciidamada ilaalada xeebaha Maamulka Puntland ay u geysteen Kalluumeysato Reer Iraan ah oo lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen biyaha Soomaaliya.

Ali Asghar Mir-Shekari, oo ah guddoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Balochestan,ayaa sheegay in Kalluumeysata Iraan ee dilka dhaawaca iyo xariga la isugu daray ay ruqsad u heysteen in ay ka kalluumeysan karaan waxaana ay ka heysteen Gobolka Sistan iyo  Balochestan ee Dalka Iraan.

Waxaa uu sheegay in Iraan ay ka mid tahay 33-da Dal ee ku jira Ururka IOTC,kuwaas oo fasax u heysta in ay ka kalluumeystaan Galbeedka Hindiya.

Waxaa uu sheegay in  1,200km meel ka fog biyaha Iraan  ay rasaas kula kulmeen,islamarkaana ay sababtay in uu dhinto Kabtankii waday Doonta ay la socdeen 18 Iraaniyiin ah.

Waxaa uu falkaas ku tilmaamay mid sharci darro ah,waxaana uu Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay geysatay jdil aan sharci ahayn.

Wasaaradda arrimaha dibadda Iraan ayuu sheegay in kiiskan ay dabagal ku sameyn doonto oo Kalluumeysatada ay iyada jawaab ka sugayaan.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Mareykanka oo sheegay inuu Duqeyn ku dilay Dagaalyahano Shabaab ah

February, 21, 2018
Ciidamada Millitariga dalka Mareykanka ayaa sheegay Duqeyn 19-kii bishan Maalinkii Isniinta ka dhacday meel u dhow degmada Jillib ...

Hay’ada Xaquuqda Aadadanaha Ee HRW oo sheegtay caruurta Soomaaliyeed in la saaro Maxkamado Millitari

February, 21, 2018
Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay jiraan caruur si sharci daro ah loogu xir-xiro ...