Wednesday, February 21st, 2018
Advertisements
Advertisements

Dowlada Maraykanka oo taageerada kala noqonayso heshiiskii Iran ee Nucliyerka

Published on October 13, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweyne Donald Trump ayaa la filayaa inuu goor dhow ku dhowaaqo in taageerada uu  kala noqday heshiiska Nuclear-ka ee Iran hase yeeshee lama filayo inuu baabi’iyo heshiiska.

Trump ayaa la filayaa inuu shaaca ka qaado, waxa ay saraakiisha ugu yeereen istaraatiijiyad cusub oo adag oo heshiiskan ku aadan.

Khudbad la filayo inuu maanta jeediyo, ayay saraakiisha Aqalka Cad sheegeen, inuu Trump ku sheegi doono inaysan danta amniga qaranka Mareykanka ku jirin inuu sharciyeeyo heshiiskan oo la gaaray 2015, kaasi oo ay ku lug lahaayeen Washington iyo shan dal oo kale.

Arrintan ayaa waxa ay  dhalinaysaa in 60 maalmood uu congresska Mareykanka go’aan uga gaaro inay dib usoo rogaan cunaqabateyntii dhaqaale ee horey looga qaaday Iran.

Xubno badan oo Jamhuuri iyo Dimoqraadi ah ayaa diidan in Iran dib loo saaro cunaqabateyn, taasi oo baabi’in doonta heshiiska, waxaana la filayaa in Trump uusan ka dalban congress-ka inay sidaas sameeyaan.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Mareykanka oo sheegay inuu Duqeyn ku dilay Dagaalyahano Shabaab ah

February, 21, 2018
Ciidamada Millitariga dalka Mareykanka ayaa sheegay Duqeyn 19-kii bishan Maalinkii Isniinta ka dhacday meel u dhow degmada Jillib ...

Hay’ada Xaquuqda Aadadanaha Ee HRW oo sheegtay caruurta Soomaaliyeed in la saaro Maxkamado Millitari

February, 21, 2018
Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay jiraan caruur si sharci daro ah loogu xir-xiro ...