Sunday, January 21st, 2018
Advertisements
Advertisements

Dowlada Qadar: Ayaa Shegtay Qaraxii Muqdisho Ka dhacay In Ay Ka danbeyeen Isbaheysiga Sucuudiga’

Published on October 17, 2017 by   ·   No Comments

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka aargoosanayaan waxa uu ugu yeerray dowladdaha xiriirka u jaray Qatar.

Wasiirka oo wareysi dhinacyo badan siiyay Wargeyska Al-Sharq ee laga leeyahay dalka Qatar ayuu ku sheegay Soomaaliya in ay ka aargoosanayaan dowladaha Qatar go’doomiyay sababo ku aaddan in ay ka biyo diidday inay u dheg raariciso go’aankooda qaadacaadda ah.

Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa sheegay in dowladahaasi ay wada laalleen kaalmooyinkii aaddannimo ee ay ugu yabooheen Soomaaliya, isagoo xusay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida la wada laaluushay, waxaase uu qiray in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay weli ku adkaysanayso mowqifkeeda.

14kii Bishan Qaraxa ka dhacay Muqdisho waxaa ku dhintay Dad kor u dhaafaya 300 oo Qof oo Shacab u badnaa,waxaana Gurmadka dadkaasi loo fidinayo uu yahay mid wali ka socda Magaalada Muqdisho.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Madaxweynaha Jabuuti Oo ku Taliyay inay baxaan Ciidamada AMISOM.

January, 20, 2018
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay Arimaha Siyaasadda, amaanka iyo ...

{DAAWO SAWIRADA} Saddex Ruux Oo Ku Geeriyootay Shil Ka Dhacay Muqdisho

January, 20, 2018
Wararka naga soo gaaraya Xaafada Haantadheer ee degmada Hodan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay ...