Saturday, January 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Haweeney bastoolad ku hubeysan oo markii ugu horeysay dil ka geysatay Muqdisho

Published on October 20, 2017 by   ·   No Comments

Haweeney ku hubeysan bastoolad ayaa xalay nin ka tirsan dadka degaanka ku toogatay xaafada Xamar bile oo ka tirsan degmada Warta nabada ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyey in haweeneydan oo lebisneyd dharka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay la soo baxday bastoolad ay rasaas ku furtay ninkan oo ku sugnaa goob ay ku fiidsadaan shacabka degaanka.

Ninka la dilay ayaa markiiba goobta ku naf waayey, iyadoo dadkii goobta ku sugnaa ay kala carareen argagax awgeed, waxaana goobtaas ka baxsatay haweeneydii dilka fulisay.

Lama oga sababta ay haweeneydan u dishay ninkan shacabka ah iyo cida ka dambeysay, mana jirto illaa hadda cid sheegatay.

Dilkan ayaa la yaab iyo fajac ku abuuray maadaama ay fulisay haweeney, iyadoo horey loo maqli jiray in dilalka noocan ah ee magaalada ka dhaca ay fuliyaan rag hubeysan, waana markii ugu horeysay ee la maqlo haweeney bastoolad wadata oo dil ka geysatay caasimada.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Qaabka uu u dhacay Shilka Diyaaradeed Ee Ka Dhacay Garoonka Aadan-Cadde Ee M/Muqdisho

January, 20, 2018
Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ee Sabtida Maanta ah waxaa ka dhacay Shil Diyaaradeed ...

Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Aadan Cadde

January, 20, 2018
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, goor dhaw waxaa Garoonka ...