Wednesday, February 21st, 2018
Advertisements
Advertisements

Macluumaadka difaaca Australia oo “la xaday”

Published on October 12, 2017 by   ·   No Comments

Macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan hannaanka difaaca ee Australia ayaa si aan kala sooc lahayn loo xaday, ka dib markii burcadda internet-ka ay jabsadeen qalabka.

Qiyaastii akhbaar gaaraysa illaa 30GB ayaa laga xaday shirkad dowladda la shaqeyso. Waxaa la xaday macluumaadka diyaarado dagaal oo cusub iyo maraakiibka dagaalka.

Macluumaadka waxay ahaayeen kuwo xasaasi ah oo aan la kala soocin, sida dowladda sheegtay. Lama oga in dowlad un ay qeyb ka tahay dullaanka internet-ka ee lagu qaaday Australia.

Saraakiisha amniga internet-ka Australia ayaa weerarka ugu magacdaray “Alf”, oo ah qof jilaa ah oo qeyb ka ah barnaamij Saabuun oo TV ka baxayay.

Weerarka wuxuu bilowday bishii July ee sanadkii la soo dhaafay, laakiin dowladda Australia waxay ogaatay bishii November ee 2016-kii.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Mareykanka oo sheegay inuu Duqeyn ku dilay Dagaalyahano Shabaab ah

February, 21, 2018
Ciidamada Millitariga dalka Mareykanka ayaa sheegay Duqeyn 19-kii bishan Maalinkii Isniinta ka dhacday meel u dhow degmada Jillib ...

Hay’ada Xaquuqda Aadadanaha Ee HRW oo sheegtay caruurta Soomaaliyeed in la saaro Maxkamado Millitari

February, 21, 2018
Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay jiraan caruur si sharci daro ah loogu xir-xiro ...