Thursday, October 19th, 2017
Advertisements
Advertisements

Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Wadatashiga ee Madaxda maamul goboleedyada oo la soo gaba gabeeyay ?

Published on October 11, 2017 by   ·   No Comments

ararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shirkii Wadatashiga ee u dhaxeeyay Madaxda maamul goboleedyada in xalay la soo gaba gabeeyay, iyadoo maanta lagu wado in la soo saaro war murtiyeed.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxda ka qeyb galeysay shirka ayaa ku heshiiyay qodobo dhowr ah, halka kuwo kalena ay isku afgarteen.

Warar ay heleyso Idaacada Hiiraanweyn ayaa sheegaya in doodihii dhex maray Madaxda maamul goboleedyada uu ka mid ahaa in xiriirka loo jaro dowladda Federaalka, hase ahaatee la isku afgaran waayay.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa si wadajir ah isugu raacay qodobo ka mid ah siyaasada dalka, sida in laga wadatashado arrimaha masiiriga ah, in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iska kaashadaan amniga, la dagaalanka Al-Shabaab iyo kuwa kale.

Sidoo kale Maamul goboleedyada ayaa la sheegay inay isku raaceen in la soo celiyo Madashii Wadatashiga Qaran ee horay u jiray dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Walaac badan ayaa laga qabaa qodobada qaar ee shirka, oo aan wali si dhab ah loo ogeyn, waxaana jira shaki ku aadan in xaalada siyaasadeed ee dalka uga sii daro, iyadoo Madaxtooyada ay si dhow ula socoto shirka Kismaayo.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Dhageyso:-Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Dalka Ka Jira

October, 19, 2017
Cabdi Xaashi Cabillaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa marka hore ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dowlad ...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Dhaawacyada Sudan ku dayacan

October, 19, 2017
 Yuusuf Garad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda laga soo sheegay Soomaalida dhaawaca ah ee ...

{DAAWO SAWIRADA } Wararkii ugu dambeeyay xaalada dhaawacyadii la geeyay Sudan

October, 19, 2017
Wararka ka imanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in dhaawacyadii la geeyay dalka Sudan oo cabasho ka keenaya  isbitaalada ...

{DAAWO SAWIRADA} Dayactir Lagu Bilaabay Goobtii Uu Qaraxa Ka Dhacay Ee Zoobe

October, 19, 2017
Waxaa Maanta la bilaabay dib-dhis lagu sameynayo Wadada Isgoyska zoobe taas oo ku burburtay qarixii khasaaraha badan gestay ...

{DHAGEEYSO} Dowladda Soomaaliya Oo Jawaab Ka Bixineysa Qarixii Ka Dhacay Isgoyska Zoobe

October, 19, 2017
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxwenaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhacdadii ka dhacday 14 Bishaan Zoobe ay tahay ...

Baroordiiq Qahira Loogu Sameeyay Dhibbanayaashi Qaraxii Zoobe

October, 19, 2017
Kulan baroorqiid ah oo ay Soomaalida ku nool Masar ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarki 14-ki October ...

Mid Ka Mid Ah Dhaawacyadii Loo Qaaday Dalka Suudaan Oo Geeriyooday

October, 19, 2017
Dhaawacyadii ku jiray Isbitaalka Tamayuz ee dalka Suudan qaarkood ayaa haatan la bilaabay in loo wareejiyo Isbitaalo kale ...