Tuesday, December 12th, 2017
Advertisements
Advertisements

Munaasabadda Maalinta Calanka Soomaaliya oo xalay Muqdisho lagu qabtay

Published on October 12, 2017 by   ·   No Comments

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo boqolaal dadweyne ah ayaa xalay ka qayb galay munasbad lagu soo bandhigayey Golaha Dhalinyaradda Qaranka islamarkaana lagu  xusayay maalinta Calanka Soomaaliya, taasi oo lagu qabtay garoonka kubadda golayga Aadan Xaaji Yabaroow Wiish.

Munaasibadda oo ay wadajir u soo qaban qaabiyeen Wasaradda dhalinyaradda iyo xayaaraha xukumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay halgankii iyo taariikhdii calanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadal ka jeedisay munaasibadda ayaa soo bandhigtey magacyada 9 xubnood oo noqon doona Golaha KMG ah oo dhalinyaradda Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Wiil naafo ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay Munaasibadda ayaa bogaadiyay kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo u duceeyay dhallinyaradii halgalnka u soo martay xorriyadda Soomaaliya

Guuddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan oo qudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa hambalyo u diray umadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah dardaaran iyo bogaadin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in xalay ay aheyd habeen aad ugu qiimo badan Shucuubta Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan.

Gabagabadii Xafladda ayaa Ra’sul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guuddomiyaha Golaha Shacabka waxa ay wadajir shahaado Sharaf u guddoonsiiyay Qaar kamid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ee muujiyay dadaalka iyo howl karnimida.

Xalay oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 63-sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay Calanka Soomaaliyeed, Calankeeda kaas oo leh Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba Qowmiyahada Soomaalidu ku faanto.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay.

Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay.

Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaali weyn dhexda uga xardhan tahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954.

Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Soomaali weyn iyo Midnimo qaran.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Full: Ciyaartii Galmudug & Banaadir Oo Xiiso Badneyd Daawo 2017

December, 11, 2017
Full: Ciyaartii Galmudug & Banaadir Oo Xiiso Badneyd Daawo 2017

Hay’adda la dagaalanka Musuqmaasuqa ee AAC oo sheegtay in musuqmaasuq baahsani ka jiro Somaliland

December, 11, 2017
Hay’adda madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa (Action for anti corruption (AAC) ) ayaa sheegtay in Somaliland ay ...