Tuesday, December 12th, 2017
Advertisements
Advertisements

Qaraxyo Is-xig xiga oo ka dhacay Meel u dhow Taliska guud ee Booliska Suuriya

Published on October 12, 2017 by   ·   No Comments

Saddex qof oo miidaame ah ayaa isku qarxiyey meel u dhaw taliska guud ee booliska Suuriya oo ku yaal magaalo madaxda Dimishiq.

Wakaaladda wararka dawladda ee SANA oo soo xigatay sarkaal ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegtay in uu yidhi “argagixisadu waxay isku dayeen in ay galaan dhismaha taliska guud ee booliska oo ku yaal wadada Khaalid Bin Waliid ee magaalada Dimishiq”, waxaanu intaa ku daray in askar ilaalo ah “ay ka hortageen dadkii miidaamaha ahaa, oo ay markii ba is qarxiyeen intaanay sooba gelin gudaha”.

Sarkaalku waxa kale oo uu sheegay in ay u suurto gashay in ay ku hareereyaan qof kale oo miidame ahaa halka laga galo suuqa Albaalah oo u dhaw isla wadadaa Khaalid Bin Waliid, sidaana uu isku qarxiyey.

Taliyaha booliska gobolka Dimishiq ayaa isna sheegay in weerarkaasi galaaftay ugu yaraan laba qof oo ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen oo qaarkood qabaan dhaawacyo halis ah.

Badhtamaha caasimada Suuriya ayaa si marka loo eego ka badbaaday dagaalka ka socda daafaha kale ee magaalada, walow mararka qaarkood weeraro dhif ahi ka dhacaan.

Bishan horaanteedii ayaa bar kaantarool oo boolisku ku leeyihiin magaalada weerar lagu qaaday ay ku dhinteen 17 qof, waxaana weerarkaa sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Full: Ciyaartii Galmudug & Banaadir Oo Xiiso Badneyd Daawo 2017

December, 11, 2017
Full: Ciyaartii Galmudug & Banaadir Oo Xiiso Badneyd Daawo 2017

Hay’adda la dagaalanka Musuqmaasuqa ee AAC oo sheegtay in musuqmaasuq baahsani ka jiro Somaliland

December, 11, 2017
Hay’adda madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa (Action for anti corruption (AAC) ) ayaa sheegtay in Somaliland ay ...