Tuesday, December 12th, 2017
Advertisements
Advertisements

todobaatan sano ka Dib Dalka Liberia Oo Is Badal Ka Dhacaya Iyo Tirinta Codadka Oo Biloowday

Published on October 11, 2017 by   ·   No Comments

Dalka Liberia waxaa bilowday tirinta codadkii la la dhiibtay. Iyadoo ay noqonayso xil isku wareejintii ugu horaysay ee dimoqraadi ah ee dalkaasi ka dhacda mudo todobaatan sano ka badan.

Inkastoo qaladaad ay dhaceen haddana gudiga doorashooyinka waxay sheegeen in si wanaagsan ay wax u socdaan.

Tirida dadka u soo baxay doorashadan ayaa aad u badan. Haweeneyda xilka ka sii dagaysana waxay ku baaqday in si nabad ah loo codeeyo.

Labaatan musharax ayaa ku tartamaya doorashadan. Waxaa ka mid ah ciyaaryahan hore George Weah.

Waxaa lagu tilmaamay George Weah inuu tartankiisu aad u xoogan yahay marka loo eego musharixiinta.

Natiijada in si dhaqso ah loo shaaciyo ayaa waxaa dib u ridi kara wadooyinka oo aad u liita.

Haweeneyda xilka ka sii dagaysa Sirleaf ayaa xafiiska qabatay sanadii 2003-da.

Waxaana berigaasi dalka Liberia ka dhamaaday dagaalkii sokeeye ee dalkaasi baabi’iyay.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Full: Ciyaartii Galmudug & Banaadir Oo Xiiso Badneyd Daawo 2017

December, 11, 2017
Full: Ciyaartii Galmudug & Banaadir Oo Xiiso Badneyd Daawo 2017

Hay’adda la dagaalanka Musuqmaasuqa ee AAC oo sheegtay in musuqmaasuq baahsani ka jiro Somaliland

December, 11, 2017
Hay’adda madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa (Action for anti corruption (AAC) ) ayaa sheegtay in Somaliland ay ...