Xukuumadda Spain oo waqti kama dambays ah u qabatay hogaamiya Catalonia

0
5

Raisul Wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa u qabtay muddo shan maamood gudahooda in uu hogaamiyaha Catalonia ku kala caddeeyo in uu ku dhawaaqay madaxbanaani iyo in kale.

Haddii hogaamiyaha Catalonia Carles Puigdemont uu xaqiijiyo ilaa isniinta in uu ku dhawaaqay madaxbanaani ayaa waxa hadana la siinayaa muddo seddex maalmood ah oo uu kaga noqdo shaacin arrintan.

Hadddii hogaamiyaha Catalonia uu ku guuldaraysto arintaasi ayaa waxa ay xukuumadda,Madrid laali doontaa qodobka 155 ee dastuurka taasi oo fursad u siinaysa in ay hakiso ismaamul hoosaadka gobolka Catalonia waxaana toos u maamulaysa dowladda dhexe.

Hogaamiyaha Catalonia ayaa Talaadadii saxiixay ku dhawaaqida madaxbanaanida gobolkaasi Catalonia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here