Monday, November 20th, 2017
Advertisements
Advertisements

130-Qof Oo Ku Geeriyootay Dhul-Gariir Ka Dhacay Iiraan Iyo Ciraaq

Published on November 13, 2017 by   ·   No Comments

In ka badan 130 qof ayaa ku geeriyootay Dhul-gariirkaasi oo xalay ka dhacay Labadaasi dal, sida ay sheegeen Warbaahinadda Labadaasi Dal.

Dhul-gariirka oo xoogiisu dhamaa 7.3 Halbeegga REKTERKA ee Qiyaasta Dhul-gariirka ayaa waxa uu khalkal ku abuuray dadka ku nool Deegaanada uu ku dhuftay.

Telefishinka Dowladda Iran ayaa sheegay inay ugu yaraan 120-qof ku geeriyootay Dhul-gariir ka dhacay Gobalka KERMANSHASH oo u dhow Xuduudka Iraq.

Guddoomiye-ku-xigeenka Maamulka Gobalkaasi oo lagu magacaabo MUJTABA NIKERDER ayaa sheegay inay in ka badan 60 qof ku geeriyootay Degmadda SARPOL AZAHAB oo 15 KM u jirta Xuduudka Iraq.

Dhinaca kale, ugu yaraan 4 qof ayaa ku geeriyootay, 40-kalena wey ku dhaawacmeen dhul-gariir ku dhuftay qeybo ka mid ah Gobalka Kurdistaan ee Waqooyiga Iraq.

Saraakiisha Caafimaadka ee Gobalkaasi ayaa sheegay inuu Khasaaraha ugu xooggan ka dhacay DegmaddaDARBANDIKHAAN oo 75 KM  dhanka Bari kaga toosan magaalladda SULEYMAANIYAH.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta aqrinaya miisaaniyadda 2018

November, 20, 2017
Kulnaka Golaha shacabka ee maanta ayaa ku saabsan aqrinta 1aad ee Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2018,waxaana sidoo kale ...

Faah Faahin Ka sobaxeyso Werar Kagu Qaaday Ciidamada Katirsan Dowlada Soomaaliya,

November, 20, 2017
Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa lagu weeraray Xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley, kadib markii dabley ...