Saturday, January 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Adeegyada Baraha Bulshada oo laga jaray deegaanada Somailand

Published on November 13, 2017 by   ·   No Comments

Guud ahaan deegaanada Somaliland ayaa hawada laga saaray adeegyada internetka  ee ay bulshada ku wada xiriirto sida Facebook,Twitter,Viber,Imo iyo qaar kale kadib markii ay soo dhamaatay doorashada maanta ay u dareereen shacabka Somaliland.

Shirkadaha bixiya adeegyada Internetka sida Telesom, Somtel iyo Somcable ayaa jaray adeegyadaasi kadib markii ay ka codsadeen guddiga doorashooyinka Somaliland.

Ka saarista hawada Baraha Bulshada ayaa timid kadib markii la soo xirey inta badan goobaha codbixinta  oo ay dhamaatay doorashadii maanta ay u dareereen shacabka ku nool deegaanada Somaliland maamusho.

Tirinta codadka ayaa lagu wadaa inay bilaabato iyadoo laga sugayo maalmaha soo socda in guddiga doorashada ay ku dhowaaqaan natiijada doorashada Madaxweynaha Somaliland oo ay ku tartamayaan saddex Musharax.

Guddiga doorashada ayaa gelinkii dambe ee maanta shaaciyay in si ammaana ah ay doorashadii ku dhacday.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Qaabka uu u dhacay Shilka Diyaaradeed Ee Ka Dhacay Garoonka Aadan-Cadde Ee M/Muqdisho

January, 20, 2018
Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ee Sabtida Maanta ah waxaa ka dhacay Shil Diyaaradeed ...

Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Aadan Cadde

January, 20, 2018
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, goor dhaw waxaa Garoonka ...