Friday, January 19th, 2018
Advertisements
Advertisements

AKhriso:-Wararkii U Dambeeyay Ee Magacaabista Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle

Published on November 14, 2017 by   ·   No Comments

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxa haatan ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan soo Magacaabista golaha Wasiirada Maamulkaas.

Madaxweyne Waare oo Maalin ka hor dib ugu laabtay Jowhar ayaa Saacadihii la soo dhaafay ku jiray wadatashiyo uu la sameynayay Odayaasha iyo Siyaasiyiinta deegaanada Hir-Shabeelle si uu u soo Magacaabo Golihiisa Wasiirada.

Warar ay heshay Radio  Hiiraanweyn ayaa waxa ay sheegayaan in ay macquul tahay ay Wasiiradaas ka koobnaadaan ilaa 54, isla markaana ay qaarkood ka soo dhex muuqan doonaan Wasiiradii hore xiligii Cosoble.

Xarunta Madaxtooyada Hir-Shabeelle ee Jowhar ayaa laga dareemayaa qul qulka dadka doonaya in ay ka mid noqdaan Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle

Maxamed Cabdi Waare oo Jowhar lagu doortay 16,kii Bishii September ee Sanadkaan ayaa Xildhibaanada hir-Shabeelle waxa ay ugu dareen waqti dheeri ah kadib markii uu ka dalbaday in ay fursad u siiyan Magacaabistas.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{AKHRISO} Nin Bilyan dheer ku noqday saacado gudahood

January, 19, 2018
Ninka asaasay shirkadda tagaasiista ee Uber Travis Kalanick ayaa si rasmi ah u noqday bilyan dheer saacado gudahood, ...

Madaxweynaha Soomaliya Oo Amray In Aan La Bixin Dhul Dowladeed

January, 19, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka ...